Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Laacibka Heshiiskiisu Dhamaadka Yahay Ee Juan Mata Oo Ay Raadinayaan Barcelona Iyo Arsenal

Date:

Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Juan Mata oo kooxaha Arsenal iyo Barcelona ay doonayaan inay si xor ah ugala wareegaan.

Xiddiga reer Spain ee 30 jirka ah ayaa uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana ay taasi keentay in kooxo badan ay albaabada u furaan iyagoo doonaya inay helaan adeeggiisa ciyaareed, isla markaana ay lacag la’aan kusoo qaataan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ayaa dhawaan daboolka ka qaaday inuu jiro qorshe ay kooxdiisu la damacsan tahay Mata, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay u socdaan wada-xaajood ay ku doonayaan inuu kula sii joogo, waxaana taasi ay noqotay mid guuleysatay, kaddib markii ay kooxdu usoo bandhigay heshiis cusub oo 12 bilood ah.

Juan Mata oo sannadkii 2014 ay Manchester United lacag dhan £37 milyan kagala soo wareegtay Chelsea, ayaa waxa uu u saftay 202 ciyaarood waxaanu u dhaliyey 44 gool, laakiin mushaharkiisa ayaa ah mid aad uga hooseeya xiddigaha waaweyn, waxaana uu usbuucii qaataa £140,000 Gini.

Heshiiska cusub ee sannadka ah ee Manchester United ay u bandhigtay Mata, ayaa waxa uu ku heli doonaa mushahar dhan £6.7 milyan, kaas oo aad uga sarreeya mushaharkii uu hore uga qaadan jiray.

Siyaasadda Man United ayaa ah in ciyaaryahannada ay da’doodu ka weyn tahay 30 jirka aanay u bandhigin heshiisyo waqti dheer ah, hase yeeshee waxay hadda wada-hadallo heshiis kordhin ah u socdaan Anthony martial oo 23 jir ah iyo David de Gea oo 28 jir ah, hase yeeshee waxa dhamaadka xili ciyaareedka ay heshiisyadoodu dhamaanayaan laacibiin badan sida Ander Herrera oo 29 jir ah, Phil Jones oo 26 jir ah, Matteo Darmian oo 29 jir ah, Antonio Valencia oo 33 jir ah iyo Ashley Young oo 33 jir ah.

Shantan ciyaartoy ee dambe ee qandaraasyadoodu dhamaanayaan dhamaadka xili ciyaareedka, waxa Manchester United ay heshiis cusub usoo bandhigay Ashley Young oo kaliya, kaas oo hal sano oo cusub miiska loo saaray, laakiin laacibiinta kale lama oga go’aanka ay kooxdu ka qaadan doonto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...