Deg Deg: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Qarka U Saaran Inu Iska Casilo Xubinimada Wasiirnimo Iyo Wasiirka U Yahay

Date:

Deg Deg: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Qarka U Saaran Inu Iska Casilo Xubinimada Wasiirnimo Iyo Wasiirka U Yahay

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire Oo Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Tunka Wayn Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Waxa Soo Baxaya Warar sheegaya Inuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Baneeyo Jagada Wasiirnimo Kana Huleelo Xisbiga Kulmiye

Xogahan ayaa Tibaaxaya In Khilaaf Soo Kale Dhax Galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi Ka Dib Markii Mudo Laga Joogo Bil Iyo Dheraad U Shaaciyay Wasiirka Qorshaynta Qaranku Inu U Taagan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Dabadii.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Misaanka Culus Ee Beelaha Dega Goboladda Hawd,Maroodijeed, Daadmadheed,Togdheer Iyo Saaxil Kuna Dhex Leh Tageerayaal U Heelan Inay Meel Mariyaan Hankiisa Siyadeed.

Gudoomiye Muuse Bixi Oo Shirar Doceedyo Kale Duwan Kula Yeeshay Gudaha Magalada Hargaysa Siyaasiyinta Beesha U Kaso Jeedo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ugu Danbaysay Maanta Uu Kulankaasi Ka Socdo Hargaysa Isla Markaana U Goobta Ka Maqan Yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Muuse Bixi Ka Reebay Shirkaasi In Loo Yeedho Wasiirka Qorshaynta

Khilaafkaasi Soo Kale Dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Dabada Ku Haya ,Shaacinta Wasiirka Ee Gudoomiyaha Xisbiga Oo La Damacsan Yahay In Loo Dhiibo Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha Madaxwaynaha Silaanyo.

Khilaafkaasi Siyaasadeed Oo Sababi Kara In Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tire Iyo Tageerayaal Tiro Badan Oo Kaso Jeeda Deegaan Wasiirku Ay U Dareeraan Xisbiga Wadani Oo Hore U Sii Jogeen Siyaasin Misaan Ku Leh Deegaanka Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ka Mid Yihiin Gudoomiyha Ku Meel Gaadhka Xisbiga Wadani Abdiqaadir Jirde ,Sababina Karta In Codka Ugu Badan Degankaasi U Kasbado Xisbiga Wadani.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...