Somaliland: Madaxweynaha Jabuuti Ma Aaminsan Yahay In Doorashada Madaxtooyada Ee Soo Socotaa Ay Aqoonsi U Horseedi Karto Somaliland ?

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sida Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo si wanaagsan u dhacdaa Door uga qaadan karto Madax-banaanideeda oo Beesha Caalamku aqoonsato.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi lala yeeshay kaga jawaabay Su’aalo badan oo la xidhiidha Gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Arrimo kale, ayaa sheegay inaanu garanayn waxa Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhici doontaa kaga duwan tahay kuwii hore uga dhacay iyo Sababta loo leeyahay Doorashada soo socotaa waxay Waddada u xaadhaysaa Aqoonsi Somaliland Hesho, ee Doorashooyinkii hore u keeni waayeen Ictiraaf.

Madaxweyne Geelle, oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Hadday Doorasho Madax-banaani Jeexayso horeba Doorashooyin Madaxtooyo way dhici jireen sow maaha? markii u horreysay maaha, maxaa wax cusub ka dhigaya Doorashadan (Mid keenaysa aqoonsiga Somaliland), waa iska caadi.”

Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay inay jiraan Waddooyin loo maro Aqoonsi-raadinta “Ictiraaf Dawladeed weeye waxa meesha ka maqani, markaa waa in Asluubtii la yaqaanay (la maro) oo Dadkii markii hore isku biiray inay wada-hadlaan oo ay kala baxaan, kaasina Nidaam Caalamiya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ku taliyey “Annagu haddaanu Talo Walaalnimo dhiibno, waxaanu leenahay Dadku sidiisii hore ha isku ahaado. Dhufays baa lagu jiraa, Bedbaado dad baa lagu jiraa, Dal dhan baa hallowsan, Xilli Derajo la isku qabqabsado lama joogo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...