Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada u Dhexeeya Berbera Iyo Hargeysa

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeeyey badiba magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, kuwaas oo kala ah Daray-godle, Xamaas, Lafo-ruug, Abdaal iyo Dacar-budhuq, waxana deegaannadaas ku qaabilay dadweyne tiro badan oo kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE.
Dhammaanba deegaannada ay taageerayaasha KULMIYE isugu soo baxeen ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ayaa waxa hadallo mahadnaq ah ujeediyey guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno waftigiisa kamid ah, iyada oo cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo haldoorka deegaannadaasina ay si hagar la’aan ah uga qayb qaateen soo dhaweynta, isla markaana warbixinno kooban siiyeen waftiga.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacabka deegaannadaas mid walba gaarkiisa ula hadlay, ayaa shacabka si weyn ugaga mahad celiyey soo dhaweyntooda iyo sida xilkasnimada leh ee ay qayb waqtigooda kamid ah u siiyeen.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa waxa hadhimo-sharafeed si heer sare ah loo agaasimay loogu sameeyey deegaanka Laasgeel oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, waxana hadhimada ka hor guddoomiyaha iyo xisbigiisu shacabka deegaankaas kala hadleen goob fagaare ah oo ay ku qaabileen haldoorka deegaankaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...