Somaliland: Reer Baligubadle Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Murashaxa Waddani

Date:

Bulshada magaalada Baligubadle ayaa si diiran u soo dhaweeyay wefti uu hoggaaminayo murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay soo gaadhay magaaladaas.

Dadweynaha oo sitay calanka xisbiga Waddani oo dhawr mitir ahaa ayaa weftiga kaga hortagay banaanka magaalada, waxaanay ku qaabileen salaam iyo soo dhawayn. Dadweynaha waxa horkacayay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo siyaasiyiinta kale ee deegaanka Gobalka Hawd ugu jira xisbigaas. Murashaxa madaxweyne ee xisbigaas ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay wuxuu dadweynaha uga mahadceliyay dareenka soo dhawayneed ee ay ku qaabileen, waxaanu sheegay inuu guddoonkii xisbiga ku wareejiyay gobalka Hawd “Xisbiga Waddani waxa uu go’aansaday in hoggaankii xisbiga uu ku wareejiyo gobalka hawd. Bal labada xisbi ee kale waydiiya’oo Kulmiyena dhawr iyo toban sano ayaad taageerayseen bal waxa uu idinku wareejinayo oo soo waydiiya?.”

Cabdiraxmaan, wuxuu ugu baaqay dadweynaha reer Baligubadle inay qaataan kaadhka diiwaangelinta si ay u codeeyaan maalinta doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa isna yidhi “Waxaanu idiinka mahadcelinaynaa sida muga iyo miisaanka leh ee aad u soo dhawayseen musharaxa madaxweynaha iyo waftigii la socday, tilmaan waa la dhameeyay sida ay odayaasha hore u sheegeen maanta waynu aargoosanaynaa oo waxaynu ku aargoosanaynaa codkeena, waxii danbi laynaga galay waxyanu ku maydhaynaa codkeena, waxyanu u hiilinaynaa xisbiga Waddani oo aynu madaxweyne u dooranayno Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo aynu ka sugayno waxii ina gaadhay inuu inaga maydho, balana qaaday, dagaal markaad tagayso waxa aad u baahantahay rasaas, rasaastuna maanta waa kaadh hadii adiga oo aan geedkaas gaadhinba rasaastu kaa go’do waad jabtay, kaadhkaasi waxa uu ka dhigan yahay rasaas aad ku dagaal tagayso oo waxii ku gaadhay aad kaga maydhanayso, kaadhkaas hala qaato, hadaanad kaadhkaas qaadan dagaalna gali karimaysid,Waddanina u hiilin karimaysid Cabdiraxmaana waxba ku tarimaysid, wax kaliyaata ee aynu wax ku tar karno Cabdiraxmaan ee aynu ku aarsan karaynaa ee waxii ina gaadhay aynu ku ilaawi karaynaa waa kaadhkaas oo aynu ku codayno.

Sida Xuseen u sheegay raga uu meesha kaga yimi ee maanta gabaabsiga ah ee albaabada laga xidho ee laga faqo ee inta shilimaadka loo soo dhiibo halkan idiinku yimaada, hadaydaan kuwaas iska qaban waxba noqon maysaan, waa inaad tidhaahdaan dhawr bilood ayaa hadhay ee anagana hana lugoyn adiguna qadhaabkaaga iska qaado oo lugooyada uun naga daa, waxa aan leeyahay waxa kaliyaata ee aad wax ku noqon kartaan ee aad ku aargoosan kartaan oo dad jira oo jooga oo magac leh oo la ixtiraamo oo dalkan xaqii uu ku lahaa dhacsadaa waa idinka oo codeeya.’

Xuseen Axmed Caydiid ayaa wuxuu yidhi “Waad ka war haysaan oo wasiir ayaan ahaan jiray inaan ka tagay waad ka war haysaan,laygama eryin ee waan iskaga tagay, waxaan uga tagayna waad ogtihiin oo waa markii la diiday in deegaankani uu ka dhex tartamo xisbiga Kulmiye,ninka ii waydaartay halkii ( garbadiiri nin daguugan ma waydee), halkaan anigu waxba ku soo waayay in aanu waxba ku hayn taasna qorta, waxaan anigu ka keeni waayay isagu ka keeni maayo,cidluu taagan yahay oo qaar baa dayn afka taagan oo waxay uga tagaana garan la’ waxay ku joogaana garan la’ oo guryahoda la xaraashayaa bari,waxaan ka mid ahaa raggii aas aasay Kulmiye oo shantii qof ee ugu horeeyay ee ku saxeexnaa markii ururnimada uu dalbaday ayaan ka mid ahaa ka maanta iiwaydaartay maxuu idiin sheegayaa.”

Waxa isna halkaas kaga dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga Waddani badhasaabkii hore ee gobalada Oodweyne iyo Hawd Siyaasi Cali Cawil.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...