Somaliland: Xiisad Adag Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle Iyo Ciidamo Abaabulan Oo Weerar Ku Soo Qaadey Prof. Cali Khaliif

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in xiisad adagi ka taagan tahay magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn.

Xiisadan ka taagan Buuhoodle ayaa ka dhalatay kadib markii khilaaf culus uu soo kala dhex galay horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa oo loo yaqaano Cagalule kaas oo kasoo horjeestay heshiiskii ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo,waxaana khilaafkaasi uu sababay in Cagalule oo wakhti xaadirkan ku sugan Muqdisho uu abaabulo ciidan ay hubeeyeen maamulka Puntland,kuwaas oo kasoo horjeestay inuu gudaha Buuhoodle usoo galo horjooge Cali Khaliif Galaydh.

waxaana xogo goor dhawayd naga soo gaadhay Buuhoodle ay sheegayaan in ciidamadaasi hubaysan ay isku dayeen inay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool saaka subaxii hore ku weeraraan kuna soo qabtaan horjooge Cali Khaliif Galaydh,waxaana ciidamadan lagu horjoogsaday sida naloo sheegay deegaanka Dandan oo Buuhoodle ka tirsan.

Ciidamadan abaabulan ee maamulka Puntland dabada ka riixayso isla markaana damacsanaa inay soo qabtaan Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa deegaankaasi ku horjoogasaday odayaal iyo waxgarad kasoo baxay Buuhoodle.

Xiisada Buuhoodle ayaa hadda maraysa meel adag,waxaana laga cabsi qabaa in dagaal dhex maro ciidamadan abaabulan ee dabada ka riixayaan maamulka Puntland oo iyagu si wayn uga soo horjeeda wada hadalada dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaaaatumo iyo ciidamada taabacsan horjoogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...