Deg Deg: Hoggaamiye Xirsi Iyo Burco Maxa Kala Qabsaday Caajib “Haybad Eebah Ku Siiyey Habeen La Iskama Qaado”

Date:

Xararaadada siyaasadeed ee ka taagan magaalada burco ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad u kacsaneyd waxaana xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE
ku hirdamayeen sidii ay ukala jiidan lahaayeen codka shacabka gobolka togdheer

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Cali X Xasan intii ay ku sugnaayen magaalada burco waxay munaasibado soodhaweyn ah u sameeyeen tagaaerayaal aan tiro badneyn oo lagu sheegay iney kusoo bireen xisbiga WADDANI.

Masuuliyiinta Xisbul xaakimka KULMIYE ayaa iyaguna dhankooda maalmihii ugu danbeeyay ku hawlanaa sidii ay taageerayaal badan usoo xero-galin lahaayeen, waxaaney kulamo joog hoose ku soconaaya la yesheen cuqaal, waxgarad iyo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda magaalada burco

Xoggo hoose oo aan helayno ayaa sheegay in Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI uu kulan la yeeshay qaar ka mid ah Cuqaasha iyo waxgaradka beeshiisa, kulankaas oo aad xogtiisa loo adkeeyay ayaa la sheegay in hogaamiye xirsi uu kulan kaas isugu keenay haldoorka beeshiisa ee kasoo jeeda degaamada xood iyo xayira.

Shirkan oo galabnimadkii manta dhacay hotel kaafi ee magaalada burco ayaa xoggaha aan ka helayno ay sheegeyaan in hogaamiye xirsi uu cuqaasha iyo waxgaradka beeshiisa kala hadley sidii ay tageero ula garab istaagi lahaayeen xisbiga WADDANI.

Ilo-looga qaateen ah oo diirada ku hayay dhaq-dhaqaaqa kulankaas ayaa kusoo waramaya in maalmihii ugu danbeeyay uu hogaamiyaha xisbiga WADDANI ku hawlanaa sidii uu usoo xero galin lahaa beeshiisa oo siweyn ula dhacsan siyaasada xisbiga KULMIYE.

Xoggaha aan ka helayno shirkaas ayaa sheegay in uu kulankaas horeyn ibo fureyn hogaamiye xirsi oo madasha soo dhigey dalabaad ku aadan sidii uu beeshiisu u taageeri laheyd xisbiga WADDANI, waxaanu Carabka ku adkeeyay iney hiil iyo hooba la garab istaagan, isagoo si dadban u sheegay in mustaqbal isaga lagu wareejinaayo xisbiga WAADANI.

Inta ka bacdina waxaa hadalka qaatay cuqaasha iyo odayaashii madashasi goobjooga ka ahaa, waxaaney durbadiiba ganafka ku dhufteen dalabaad hogaamiye xirsi la shir yimi, iyagoo cadeeyay in ay la mawqif yihiin talada beelaha HABARJECLO, waxaaney halkaasi kaga gaws-adeygeen taageerida ay u hayaan murashax Muuse Biixi Cabdi.

“shirkaas waxaa uu xirsi uga gonlahaa sidii uu cuqaasha iyo odayaasha Reer Raage ugu qancin lahaa xisbiga WADDANI, laakin fikirkaas waxba kama hirgalin, waxaanu u cadeyney inaanu taageersaney xisbiga kulmiye iyo xukumadda silaanyo, isla markaana la mawqif nahey beelaha HABAR JECLO, xirsi waxaa aanu usheegay in aanu imika sharaxneyn balse hadii uu xisbiga wadani murashax ka noqdo wixii talo ah layskaga imaan doono”ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii goobjooga ka ahaa kulan kaas oo ka gaabsadey inaan magaciisa sheegno.

Ugu Danbeyntiina kulankaas ayaa kusoo dhamaadey Waji-gabax uu Xirsi Cali Xaaji Xasan kala kulmey taageero cudud leh oo uu ka filaayay beshiisa, waxaanu kulan kani kusoo beegmayaa iyadoo maalintii shalay uu murashaxa xisbiga KULMIYE iyo wafti uu hogaaminaayo ay kulan la yeesheen cuqaasha, haldoorka iyo odaasha beesha Reer Raage halkaas oo ay isku afgarteen taageerida xisbiga KULMIYE, waxaana xaalka Xisbiga WADDANI noqdey dhidar onkod kiciyay

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...