Somaliland: Dhacdo Yaableh:Laba Nin Iyo Laba Askari Oo Lagu Qabtay Iyagoo Qodanaya Xabaal Sheekh Caan Ahi Ku Aasan Yahay Arabsiyo, Magaca Sheekha Iyo Raggaasi Waxa Ay Ahaayeen

Date:

waxay Wateen Gaadhi V8 Ah Oo Cusub Oo Gprs Ku Rikiban Yahay Iyo Laba Askari Oo Hubaysan,Askartii Waxay Ka Baxsadeen Kantaroolka Caabdula,Raggii Kale Way Xidhan Yihiin”.

Ciidanka Bilayska Degmada Arabsiyo ayaa Gacanta ku dhigay laba nin oo la sheegay inay qodanayeen Xabaasha sheikh caan ah oo ku aasan Xabaalaha Guunka ah ee Magaaladda Arabsiyo,labaasi nin oo watay gaadhi Cusub oo uu ku xidhan yahay GPRS ayaa saaka loo soo dhaadhiciya Xarunta Dambi Baadhista Hargeysa,Waxa sidoo kale ciidanka ka baxsaday laba askari oo raggaasi illaalo u ahaa oo hubaysnaa kuwaasi oo sida la sheegay si khidadaysan uga degay gaadhigii labada nin ay saarnaayeen oo lagu qabtay Kaantaroolka Caabudla’ bariga Magaaladda Arabsiyo,waxaan raggaasi fashiliyay oo arkay iyagoo Xabaasha Qodanaya Dad shacab ah oo maamulka Arabsiyo ugu soo qaylo dhaan tagay.
Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley Cabdilaahi Abdi Faarax ayaa Wargeyska Foore uga waramay Dhacdadan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Arintaasi way jirtaa,nin sheikh ah oo Culimadii waa waynayd ee Arabsiyo ka mid ahaa ayaa Xabaashiisii niman qodaya lagu qabtay,nimankaasi way yaaceen,kaantaroolka ayaa laga soo qabtay,markaa laba nin ayaa arintaasi u xidhan,saaka ayaa loo soo dhaadhiciyay Xarunta Dambi baadhista Hargeysa,oo Xafiiska C.I.D –da Hargeysa ayay maanta ahaan ku xidhan yihiin,waana qiraal,inay Xabaashaasi qodanayeen,Xabaasho waanu soo eegnay,Wax mitir gaadhsiisan may qodin markii lagu qabtay,way ka carareen,Sheekaasi Suufi Nuuriye ayaa la yidhaa,oo waa Culimadi hore ee Reer Arabsiyood”.
Waxa kale oo uu yidhi“Dhacdo hore ayaa jirtay,xabaal hore oo isna Xabaal sheikh uun ahayd ayaa jirtay aanu ku qaban qaar kale oo qodanayay,oo imika Dhawr sanno ayaa ka sokaysaye,waxaa sheekhaana la odhan jiray Awgaab Dagaal,Waa raggii Magaaladda Arabsiyo Aas Aasay,markaa arimahaasi waa arimaha aanu fahmi laanahay,Nimankaasi waxay iskugu jiraan Qurbajoog iyo Ganacsato reer Hargeysa ah weeyaan,arintaasina baadhis ayaa socota oo ka hor dhici maayo,markaa way jirtaa in Xabaashaasi Dadkaasi lagu qabtay iyagoo qodannaya,nimankaasi Gawaadhi ayay wataan, Waa Gaadiid Cusub, oo Noocii u dambeeyay ee V8-ka ah,oo GRS ayaa ku xidhan,laba Askari ayaa ilaalinayay,labadaasi Askari wali lama soo qaban,waxa gaadhiga lagu qabtay Kaantaroolka Caabudla,Waxa saarnaa Labadaasi Askari iyo Labadan nine e lahayo,labada Askari way hubaysnaayeen oo way yaaceen”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Labada Askari way kaarteeyeen oo waxay ciidanka Kaantarooka Caabudla jooga u sheegeen inay dhexda uun ka soo raaceen ee aanay la soconin nimankaasi xabaasha qodanayay ,waanay baxsadeen intii aan la fahmin,Waanay hubaysnaayeen,laakiin waxa gacanta lagu dhigay labadii nin ee kale ee saarnaa,Xafiiska C.I.D-dana way ku xidhan yihiin”.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...