Somaliland: Wasiirka Duulista Somaliland oo Si Xog-oggaalnimo Darro ah uga Hadlay Heshiis Muran Badan Dhaliyey oo Xukuumaddu Sheegtay in ay La Soo Gadhay Dawladda Imaaraadka

Date:

Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Farxaan Aadan Heybe oo dano shakhsiyaddeed kaga mashquulay hawlahii qaran ee loo doortay, ayaa si aan hubsiimo iyo xog-oggaalnimo badani ka muuqan uga hadlay heshiis muran badan dhaliyey oo Xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka kaasi oo lagu sheegay in lagu dhisi doono Madaar labaad oo laga sameynaayo magaalada Berbera.

Wasiirka oo hadalkan ku baahiyey boggiisa Facebook-ga, ayaa sida oo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalka ay imaneyso diyaaradda Air-Arabiya oo uu sheegay in maalinta beri ah duulimaadyaddeedu ugu horreeyey ka bilaabeyso magaalada Hargeysa, waxaana uu muujiyey kalsooni darro dhanka amaanka ah isaga oo si aada carabka ugu cel-celiyey in uu Amaan yahay Madaarka Hargeysa, waxaana uu yidhi:-

Waa allah mahadii in aanu saxeexnay heshiiskii lagu Bilaabayay mashruuca dhismaha madaarka cusub ee Berbera kaas oo si casriya loo dhisayo.

Dhinaca kalena dadaal dheer ka dib diyaarada Al-Arabia ayaa si rasmiya duulimaadkeedii ugu horeeyay abid ay ku soo cago dhigato SL ku imanaysa berri 04/07/2017 saacadu markay tahay 6:30 Subaxnimo madaarkeena Cigaal ee Caalamiga ah.

Waxaan mahad balaadhan halkan uga jeedinayaa masuuliyiinta wasaarada ee kala duwan, Mamulka iyo shaqaalaha madaarada oo halbawle u ah iyo udub dhexaad in lagu soo hirto adeega madaarada ha ahaato daryeelka iyo badqabka (safety), amniga (security) ama adeega guud ahaan hufan ( efficiency of service).

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...