Deg Deg: Cuqaashi Beesha Gobalka Gabiley Oo U Maayarku Imika Xabsiga Ku Kuray Iyo Sababta

Date:

Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa in ka badan 25 qof oo ka mid ah dadka dega deegaanka loo yaqaan Boqor oo hoostimaada Degmada Gabiley ku soo xidhay Saldhigyada kala duwan ee ku yaala Magaalada Hargeysa.

Dadka deegaanka ee uu soo xidhay Maayarku ayaa waxa ku jira qaar ka mid ah cuqaasha beesha uu isagu ka soo jeedo iyada oo sababta xadhigooda ka dambaysay ay ahayd ka dib markii ay isku maan dhaafeen dadka deegaanka loo yaqaan Botor iyo sidoo kale Dawlada hoose ee Gabiley Ceelal ku yaala Deegaankaasi.

Waxaana khilaafka ka bilowdey ka dib markii maamulka Gobolka Gabiley uu isku dayay in uu dadka halkaasi dega ka joojiyo in ay biyaha ka waraabiyaan Beero bustaano ah oo ku yaala agagaarka Ceelasha Botor oo ay awalkii hore ka waraabsan jireen Dadka Deegaanku

iyada oo ujeedada maamulka gobolka Gabiley u qorsheeyeen joojinta waraabista Beeraha ee biyaha Ceelashu ay ahayd in Magaalada Gabiley oo laga waraabiyo ceelashaasi biyo balaadhin inta ay hada Magaaladu hesho in ka badan loogu sameeyo

Taasi oo ay ka gadoodeen dadkii deegaanka ee ceelashu ay ku yaaleen beerahoodu iyaga oo ku doodey in Maayarka Gabiley wado qorshe uu biyihii laga helay deegaankooda kaga qadinaayo iyaga halka uu rabo in uu biyaha ugu kordhiyo degmada Gabiley.

Waxaana halkaasi ka dhashay khilaaf sababey in uu gacan ka hadal dhex maro dadka deegaanka iyo ciidamada Booliska isla markaana uu ka dhashay khasaare sababey in ay ku dhaawacmaan taliye ku xigeenka Qaybta hal askari

waxaana ugu dambayn Maayarka degmada Gabiley uu amray in xabsiga la dhigo in ka badan 10 cuqaasha deegaankaasi ah iyo sidoo kale 15 dhalinyaro ah kuwaasi oo haatan xidhan afar ka mid ah saldhigyada Magaalada Hargeysa oo amarka maayarka loogu soo dhaadhiciyey.

Waxaana ilaa iyo haatan uu maayar Maxamed Aamiin ka meereysanayaa in arinka cuqaasha iyo dhalinta xidhan wax laga waydiiyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...