Somaliland: “Marwada Qaranku Hotelka Cali Jirde Way Dhaxashay Ee Xuseenow Ma Waxaad Leedahay Waxba Ma Dhaxli Kartid”

Maayir Soltelco oo Sheegay In Marwada Qaranku Ganacsi Samaysan Karto,

Maayirka Degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) ayaa weerar ku qaaday wasiirkii hore ee cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo iminka ah xubin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Maayir Soltelco ayaa ugu horayn difaacay banaynta ay ku sameeyeen wadada hor marta hotelka Ali Jirde ee ku aroorta xarunta dab-demiska qaranka, waxaana uu Soltelco sheegay inay dawladda hoose wadadaasi u banaysay xarunta dab-demiska ee aanay u banayn hotelka Marwada qaranka ee Ali Jirde.

Soltelco ayaa sidoo kale Xuseen Axmed Caydiid ku eedeeyey inuu iibiyey gurigii dawladda ee uu ku jiray uuna ka iibiyey Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo isna ka tirsan xisbiga WADDANI, maayirka ayaa sidoo kale difaacay xuquuqda ay marwada qaranku ganacsi ku samaysan karto intay uu Madaxwaynuhu xilka hayo waxaana uu yidhi:

“Wasiirkii hore ee caddaaladu markuu Xalay lahaa Qoyska Madaxweyne AXMED Siilaanyo Aamina Waris ganacsi masamaysan karto, anigu waxaan aamisanahay innuu Xuseen Axmed Caydiid ka soo hor-jeestay Kidaabka Quraanka alle, marwadu waxay dhaxashay aqalkaas isagoo dhisan oo Cali Jirde la yidhaahdo oo Hotel ah, dee ma waxaad leedahay maba dhaxli karto wax. Adigu Xuseenow waxaad tahay ninkii aqalkii dawladda ee uu ku jiray iibiyey, ninkaad ka iibisay nin fog maaha waa Cabdiqaadir Jirde maanta kii ka hadli lahaa aqalbaa la dhistay iyo waxbaa la boobay adigu ma tihid”.

Comments

comments