Hindise Soomaalida Sweden u fududaynaya in ay qaataan dhalashada

Kulan ay shalay isugu yimaadeen 54 urur oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna oo lagu ururinayay hindisayaal iyo mooshino siyaasadeed, la rabo in loo gudbiya shirarka heer gobol iyo heer qaran ee xisbigan. 

Hindisayaasha siyaasadeed ee kulankan lagu ansixiyay waxaa ka mid ahaa, mooshin Soomaalida reer Sweden loogu fududaynayo in ay dhalashada Sweden ku qaataan 4-5 sanno, oo ah mudda ay ku qaataan dadka ajnebiga ah. Halka maanta ay Soomaalidu dhalashada waddankan dalbadaan 8 sanno ka dib.
Mooshinkan ayaa hadda u gudbay heer gobol, haddii uu heer gobol ka gudbana, waxaa loo gudbin doona heer qaran.

Mooshinkan waxaa diyaariyay Xildhibaan Mubarik Abdirahman, Abdulkhadir Mohamed iyo Peter Johansson, oo tirsan laanta xisbiga Socialdemokraterna ee Malmö.

samir.dualeh@sr.se

Source: sverigesradio.se

Comments

comments