Somalia: Madaxweyne Waare ” Waan la xisaabtameynaa Shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdiga madaxweynayaashii hore

Date:

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan sida uu hadalka u dhigay shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdigii ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo maata gaaray magaalada Beledweyne.

Waare ayaa sheegay in xalay lagu soo war-galiyay sida uu hadalka u dhigay safarka madaxweynayaashii hore, balse qeybo ka mid ah Garoonka ay biyo yaalleen sidaa daaraadeed ay adkeyd in diyaaraduhu ka deggaan.
Waxaa kaloo uu sheegay madaxweyne Waare in Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada,sida UN-Ka iyo AMISOM ay ku wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin.

”Waxaan helay oo la ii soo diray warbixin ah in 600 oo mitir oo Run Way -ga ah gaar ahaan dhinac bidix ay biyo fadhiyaan sawiradda waa leyla soo wadaagay in aysan diyaaraduhu ku deggi karin gaar ahaan diyaaradaha waaweyn, arintan waxaan ku wargaliyay oo aan wacay subaxnimadii hore ee saakay madaxweyne Xassan Sheekh waan ka xumahay markii aan la wadaagay macluumaadkaas waxaa uu iigu jawaabay Adiga madaxweyne ayaa tahay maxaa kaa galay arintaas, Waa runtii Aniga howshaa kuma mashquulo, laakiin maanta madaama ay xasaasi aheyd, wafdiga socdana uu ahaa mid muhiim ah Labo madaxweyne hore, xildhibaanno iyo xaalada oo laga deyrinayo, safarkuna yahay mid sare go’aankaa ah degista iyo duulista diyaaradaha in aan aniga qaato ayeey ila noqotay ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa eedeyn gaar ah u jeediyay duuliyaha diyaaradaha oo sida uu hadalka u dhigay ahaa shaqsiga qaatay go’aanka ah in uu wafdiga ula safro magaalada Beledweyne isaga oo ku celcelinaya in uu ka degi karo Garoonka.

”Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego wax kasta oo dhibaato ah oo arintaa ka imanaya waxaa kula xisaabtameynaa shirkadda iska leh diyaarada qaaday Wafdiga iyadoo la leeyahay Garoonkii laguma degi karo, waxey aheyd arin aan wanaagsaneyn oo waliba khatarteeda leh, sidaa daraadeed waxaan la xisaabtami doonnaa shirkadda diyaaradaa ka degtay magaalada Beledweyne” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Ugu dambeyn waxaa uu meesha ka saaray in wafdiga madaxweynayaashii hore loo diiday in ay ka degaan Garoonka diyaaradaha Beledweyne marka laga soo tago ayuu yiri caqabada ka jirta Garoonka oo ay adkeyd in ay ku degto diyaarad xamuul ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...