Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maanta soo dhaweeyey qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley oo hore uga soo baxay ururradii tartanka ku hadhay, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE.

Munaasibad si weyn loosoo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa waxa ka qeyb galay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, wasiirro, agaasimayaal guud, maamulka gobolka, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana si weyn loo soo dhaweeyey xildhibaanada xisbiga ku soo biiray iyo taageerayaashooda.

Somaliland: Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Kaga Soo Biiray Gabiley
Somaliland: Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Kaga Soo Biiray Gabiley

Hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan, ayaa halkaas laga jeediyey, waxana xubnaha xildhibaanada ee xisbiga kusoo biiray oo uu wehelinayey xog-hayihii gobolka Gabiley u qaabilsanaa xisbiga UCID oo isaga laftiisu KULMIYE kusoo biiray oo madashaas ka hadlay sheegeen inay ku qanceen xisbiga dalka hoggaamiye, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba leh siin doonaan.

Madaxda gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka, badhasaabka iyo weliba guddoomiyaha xisbiga ee gobolkaas oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha xisbiga kusoo biiray, waxana hoosta ka xarriiqeen inay hubaan awoodda iyo cududada ay xubnahaasi xisbiga kusoo kordhin doonaan oo ah mid gobolka si weyn looga dareemayo.

kulmiye

Xubno Wasiirro ah oo ay kamid ahaayeen Wasiirrada wasaaradaha Beeraha Maxamed Aw Daahir, Warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa waji furan ku qaabilay xildhibaanada xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay intaas ku dareen inay si dhaw ula shaqayn doonaan cudduda cusub ee xisbigu hantiyey.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha soo afmeeray, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey xildhibaanada iyo siyaasiyiinta go’aansaday inay xisbiga KULMIYE kusoo biiraaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay Gabiley tahay meelaha ugu horreeya ee tusaalaha u noqon doonta guul uu xisbiga KULMIYE markale ku hantiyo hoggaanka dalka.