Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa maanta u dabaal degaya sanad guuradiisii kowaad ee ka soo wareegtay markii uu shaqada tababaranimo ee kooxdiisa Reds uu la wareegay. 12 bilood ayaa ka soo wareegay maalintii uu Klopp si rasmi ah ula wareegay shaqada Anfield wuxuuna muddadan kooxda ka soo qabtay shaqo aad u fiican inkasta oo ilaa hadda lagu tilmaamayo in ay wali bilaw tahay.

Klopp yaaa shaqada Liverpool ka badalay Branden Rodger kadib markii uu Liverpool wax guul ah gaadhi wayday shantii kulan ee Premier Leaque-ga ugu horeeyay isla markaana waxa uu Klopp la wareegay Reds oo ku jirtay kaalinta 10 aad ee miiska kala saraynta premier Leaque-ga.

Klopp ayaa muddo sanad badhkii ah Liverpool ku gaadhsiiyay finaladii Europa Leaque-ga iyo Leaque Cupka wuxuuna xili ciyaareedkan bilawday isaga oo doonaya in Liverpool ay ka mid noqoto kooxaha u tartamaya koobka premier Leaque-ga.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gugbinaynaa toban dhacdo oo ay qaar badan oo ka mid ahi qosol yihiin oo uu laga duubay mudaddii uu Klopp hayay shaqada Liverpool waxaana ku jira dhacdooyin uu sameeyay isaga oo qabanaya shirarkiisa jaraa’id halka kuwo kale ay kulamo ama tababarka ku dhaceen.