Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu ka horeeyo Lionel Messi sababtoo ah si ka duwan xiddiga Barcelona, waxa uu Ronaldo isku tijaabiyay labo horyaal oo kala duwan.

Halka uu Messi waayihiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Camp Nou, Ronaldo waxa uu xiddig muhim ah ka soo noqday Manchester United oo Premier League ka dhisan iyo haatan uu yahay hogaamiyaha Real Madrid.

Dadka qaar ayaa xitaa aaminsan in Messi oo loo arko xiddiga ugu fiican abid dunida inuu ku dhibtoon lahaa horyaalka Premier League.

Hadaba taageere ayaa sameeyay muuqaal uu ku soo koobay qaab ciyaareedka Messi ee kulamada uu ka horyimid kooxaha Premier League.

Waxa aad muuqaalka ka daawan kartaa Messi oo ka horimaanaya kooxaha Ingariiska sida Manchester United, Manchester City, Chelsea iyo Arsenal isagoo wacdarro dhigaya, kubad farsamo leh, caawin iyo goolalba.

Waxaa lagu doodi karaa in lala ciyaaro kooxo Premier League inay ka duwan tahay in laga ciyaaro Premier League.

Si kastaba, waxa ay u badan tahay inaanan waligeen ogaan doonin haddii uu Messi ka dhex muuqan karo Premier League sababtoo ah waxa ay u badan yahay inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysanayo kooxdiisa haatan.

Ilaa iyo marka laga reebo inuu  ku laabto kooxdii yaraantiisa Newell’s Old Boys.

Comments

comments