Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Weftigiisii Oo Gaadhay London Iyo Soo Dhawayntii Lagu Qaabilay

Date:

Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee safarka dibadeed ku maqnaa, ayaa gaadhay magaalada London ee carriga Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyey.

Weftiga Madaxweynaha oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-weris iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, waxa maalmihii u dambeeyey ay ku sugnaayeen dalka Imaaraadka Carabta oo ay hawlo shaqo u joogeen, waxaanay lugta labaad ee socdaalkooda ku gaadheen dalka Ingiriiska xalay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa jaaliyadda reer Somaliland waddanka UK, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyeen madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London, intaas kadibna waxa si gaar ah soo dhawayn loogu qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay qaabileen taageerayaasha KULMIYE iyo wasiirrada Caafimaadka Dr. Xaglo-toosiye, Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse, Qorshaynta Cali Shoombe iyo Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud oo dhammaantood iyagu hore ugu sii sugnaa dalka Ingiriiska.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...