Somaliland: Xildhibaanno Qadhaabsiga Siyaasaddu La Gashay Abaabulka Naxli Lagu Kala Dhex Dhigayo Bulshadda

Date:

“Waxaanu Leenahay 8 Nin Ayaa Loo Wada Dilayaa Nin Kaliya Wax Soconaya Maaha”
Xasan Cawaale Iyo Siciid Cilmi Rooble

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka soo horjeestay oo si indho la’aan ah oo sharci darro ku tilmaamay xukun ay Maxkamadda Ciidamada Somaliland ee derajada koowaad ku riday eedaysaneyaasha dilkii Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Saaxil Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Casayr) oo bishii March ee sannadkan koox dabley ahi ay ku dishay duleedka tuulada Biyoolay ee gobolka Saaxil.

Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan oo laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo laga soo doortay gobolka Saaxil oo sidoo kale ka kala tirsan KULMIYE iyo WADDANI, ayaa qaatay carroog ay bulshadda Somaliland ku kala fogeynayaan, waxaanay labadan xildhibaan isku mowqif ka noqdeen caaridaada xukunka ay soo saartay maxkamadda ciidammadda ee sifaha sharciga ah ku dhisan.

Labada xildhibaan ee ummadda sharciga u hayaa waxay fagaareyaasha la soo istaageen in ay sharci darro tahay in 8 nin loo wada dilo nin kaliya.taasoo ah mid aan laga filayn mudane sharci dejinta dalka loo doortay in uu si cad uga soo hor jeesto sharciga iyo xeerarka dalka ee waafaqsan shareeda Islaamka.

Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan oo ka tirsan mudaneyaasha xisbul xaakimka KULMIYE oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa Salaasadii, ayaa sharci darro iyo wax aan soconay ku sifeeyay xukunkaas,waxaanu yidhi “Xukunka siddeeda nin ee lagu xukumay dilku waa caddaalad darro. Maxkamaddu ha isku diyaarisaa dadkii walaalaha ahaa ee wada deganaa waxay soo saartayna wax sononaya maaha. waxaanan leeyahay 8 nin ayaa loo wada dilayaa nin kaliya wax soconaya oo dhacayana maaha.”

Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa isna dhankiisa wax aan suuragal ahayn ku sheegay in 8 qof loo wada dili karo qof kaliya.

Xildhibaan Siciid oo laga soo doortay gobolka Saaxil oo looga baahnaa in uu si xil kasnimo leh oo waayeelnimo ku jirto arrinta uga hawl-galo kol haddii Taliye la dilay cidda loo sheeganayaa ay tahay deeghaankiisa lana xaajoodo beesha taliyuhu ka baxay ayaa iska indho saabay sharciga, waxaanu ku qowlay ereyo xajiin leh oo sii abuuri kara naxli ummadda kala fogeynaya.

“Dadku waxay ka kaceen xukunkaa weeye 8 qof oo qof loo dilo lama arag waanad maqlayseen xaakinkii wax xukumay siduu sheegay arrinta ay dadku ka muddaharaadeen ee kicisayna waa taa lammana arag 8 nin in nin keliya loo wada dilo,”ayuu ku tiraabay Xildhibaan Siciid Cilmi oo shalay aan maan-gal ahayn uga hadlay xukunka ka soo baxay maxkamadda ciidammadda.

Haddaba labadan mudane ee loo doortay in ay ka mid noqdaan golaha sharci dejinta dalka Somaliland hadday iyagii sharci dumiyeyaal ay yihiin sidee looga fili karaa in ay dalka u soo saaraan shuruuc dalka iyo dadka lagu dhiqi karo oo meel mar ah.miyaanay hadalkooda ka muuqan in aanay aqoon u lahayn Diinta Islaamka oo asal u ah dhammaan shuruucda iyo Xeerarka dalka Somaliland lagu dhaqayo ee ka soo baxay goleyaasha qaranka.

Labada mudaneba waxaa u ekayd intaanay soo doonan kurisga Xildhibaannimo ee ay ku fadhiyaan muddo dhaafka in ay soo bartaan Xeerarka dalka iyo shareecadda islaamka labadaba.

Hadaan dib ugu noqono xukunka Maxkamadda Ciidamadu soo saartay kuma jiro 8 qof ee ay dilka ku xukuntay qof ku eedaysan in uu dilkaa si aan toos ahayn uga qeyb qaatay ama uu wax ka ogaa laakiin 8-da nin ee Maxkamaddu xukunka qisaasta ah ay ku ridday ay dhammaantood sheegtay in lagu helay oo ay Maxkamadda u caddaatay in ay si toos ah uga wada qeyb qaateen dilka Alle ha u naxaristee Marxuum Gaashaanle Casayr oo ay xabadda ku wada fureen.

Haddaba, waxa habboon in aan xasaanadda ay sitaan aan lagaga joogsan ee xildhibaanaddan dadka kicinaya ee kala qeybinaya laga qaado tallaabo sharci ah oo ay ka mid tahay in dacwad lagu soo oogo oo la mariyo natiijada facaa’ilka foosha xun ee ay faraha kula jiraan oo ay mashaariic ka dhiganayaan isku dirka bulshadda walaalaha ah ee qoontu kala gaadhay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...