Somaliland: Shacabka Deegaanka Kala-baydh oo Dhoolla-tus Ballaadhan Ku Muujiyey Cudduda Taageero ee ay Xisbiga KULMIYE u Hayaan

Taaageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE ku leeyahay magaalada Kala-baydh ee duleedka Gabiley, ayaa isu soo baxyo ballaadhan ugu dabbaaldegay maalinta saddexaad ee ololaha xisbul-xaakimka KULMIYE, waxana isu soo baxaas kala qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wasiiro ah.
Taageerayaashan oo lulaya astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana ay ka go’an tahay hiilka xisbiga KULMIYE, ayaa dariiqa badhtanka magaalada mara isugu soo baxay, waxana ay halkaas kusoo dhaweeyeen wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Murrashax Muuse Biixi, ayaa soo dhaweynta kadib bulshada reer Kala-baydh u jeediyey hadal kooban oo ugu mahadnaqayo, waxana uu ku boorriyey inay maalinta codka fartooda ku hubsadaan si loosii ambo qaado guulaha xisbiga KULMIYE dalka gaadhsiiyey muddadaas u talinayey.

Comments

comments