Somaliland: “Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shan Xubnood Oo Uga Qayb Galaya Shirka+ Faysal Oo Qadacay Hashiiski Gudida”

Date:

Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shan Xubnood Oo Uga Qayb Galaya Qaban Qaabada Shirwayanha Xisbiga+Magacyada Shanta Xubnood Iyo Warar Sheegaya In Garabkii Gudoomiye Faysal Qaadaceen Go’aamadii Gudida

Garabkii uu hogaaminayay musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa iyagu ku dhawaaqay shanta xubnood ee uga qayb galaya qaban qabada shirwayanaha xisbiga oo ay go’aamiyeen gudida diiwaangalintu in lagu qabto muddo afar casho ah gudahood.

Waxaana ku dhawaaqista shanta xubnood ee garabka Jamaal Cali Xuseen  shaaciyay gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray,

Waxaana qoraalka ku dhawaaqista shanta xubnood bartiisa xidhiidhka bulshada ku baahiyay Mujaahid Cali Guray, waxaana qoraalkaasi uu u dhigna sida tan.

UCID

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأة

27/0716

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Faysal Cali Xuseen

Og Musharaxa Jagada Madaxwaynaha

Jamaal Cali Xuseen

Og Gudida Diiwaangelinta Ururada/K.S Xisbiyada

Sumad: Gx-3/04/16

Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida

Qabanqaabada Shirwaynaha

Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012

Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012

Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka

Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga

Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN

  1. Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye
  2. Xuseen Caynaan Faarax
  3. Xuseen Xasan Badmaax
  4. Aadan Cali Yoonis
  5. Cali Maxamed Xasan

Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Cali Maxamed Yussuf

G/xigeenka 3aad .

 

Dhanka kale warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in garabkii kale ee uu gudoominayay gudoomiye Faysal Cali Waraabe ay saluug badan ka muujiyeen go’aamadii ay soo saareen gudidu, iyada oo sida naloo sheegayna gudoomiye Faysal la filayo inuu racfaan ka qaato go’aamadii gudidu soo saareeen.

Ilaaa hadda lama garanayo sababta uu gudoomiye Faysal iyo grabkiisu ay usoo magacaabbi waayeen xubnihii shanta ahaa ee uga qayb galayay qaban qaabada shirwaynaha xisbiga tasi oo ay gudidu go’aamiyeen in garab kastaaba iska soo saaro shan xubnood oo matalaya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...