Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Oo Sameeyey Xil Ka Qaadis, Isku Badal Iyo Magacaabis

Date:

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay digreeto uu so saray waxa uu sameeyey magacaabis,xil ka qaadis iyo isku badal.

Waxana warsaxaafadeed uu soo saaray uu u dhignaa sida tan

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3945/042016, uu magacaabis, xilka qaadis iyo isku bedel ku sameeyey qaybo ka mida xukuumadda.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo)
  2. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga)

Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka Saaxil

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Daad-madheedh, Selel iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddida Qandaraasyada Qaranka u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo Magacaabidda Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Dr. Maxamed Faarax Ducaale,

 

Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda

 

Og:     Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...