Cali Guray Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aankii Faysal Cali Waraabe Sheegayna In Aanu Isagu Xilka Ka Qaadi Karin Sharciga UCIDna Dhigayn
Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee dhawaan Guddoomiyaha xisbiga UCID sheegay in uu xilkii ka qaaday Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in aanu Faysal Cali Waraabe xilka ku xigeenka 3aad ka qaadi Karin sharciga UCID-na aanu dhigayn in guddoomiyuhu xilka sidaa uga qaadi karo isaga oo qoraalkii Faysal xilka kaga qaaday ku sheegay mid dabayluhu siteen oo uu facebook ga uun ku arkay isna uu taa baddalkeeda Facebook u marinayo qoraal jawaab ah oo u dhignaa sidan:
Ku : Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Tar: 03/4/2016
Ujeedo: Jawaab Celin
Mudane, Waxan ka helay Facebook-ga qoraal aanan hubin inu yahay been abuur iyo inu yahay rasmi oo dabayluhu sitaan laguna faafiyay warbaahinta sida aan filayo kuna saabsanayd xilal magacaabis iyo xilal qaadis aan waafaqsanayn Xeerka Xisbiga UCID. Hadii ay jirto in aad qortay waxay iftiiminaysaa heerka aqoonta maamul iyo aqoon darrada kaa haysa dhinaca Xeerka UCID oon filayo in haba yaraato eh aanad hal qodob ka aqoonin wayoo ku xadgudubka Xeerka UCID maaha ceebtaada ee waa caadadaada. Hadii xilkii uu kuu igmaday xisbigu ugu shaqayso xisbi kale iyo musharax kale aniguna xilka aan u hayo waxan ku difaacayaa xisbigayga iyo musharixiisa madaxwanaha iyo guud ahaan danaha xisbigayga. Si kastaba ha ahaato eh maadaama warqadani ay ka hor imanayso Xeerka Xisbiga UCID adiguna aanad ka sarayn Xeerka Xisbiga warqadan dabayluhu siteen wax ka jiraa ma jirto sababta oo ah waxa burinaya Xeerka xisbiga iyo awoodaha uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga. Ugu dambaystii marka aan eego hab dhaqankaaga aan waali iyo miyir qab u kala saariwaayay waxan kugula talin lahaa in aad xilka iska casisho taas ayaad xaq u leedahay UCIDna dan u ah si uu u gaadhi karo higsigiisa una beegsan karo inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland. Ugu dambaystii waxan mar kale kuugu celinayaa aniga oo halkii aan qoraalkaaga ka helay(Facebook) kuu soo marinaya in qoraalkaagu kaagu waxba kama jiraan yahay lana mid yahay aniga oo inta aan qoraal sameeyo idhaahda waxan xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Xisbiga UCID waxay ka duwan tahay ma jirto marka aan eego Xeerka Xisbiga.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Gudoomiye Xigeenka 3aad
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeeka- UCID”