Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Wajaalle Iyo Allaybaday

Date:

Gabiley (Somaliland.Org)-Badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley Md. Mustafe Cabdi Ciise ayaa shalay kormeerkiisii u horeeyay ku maray degmooyinka Wajaale iyo Alley-baday ee gobolka Gabiley, badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley oo xilka la wareegay Sabtidii todobaadkan ayaa socdaalkiisu ahaa mid is-barasho iyo xog ogaal u noqoshada guud ahaan xaaladaha kala duwan ee degmooyinka iyo maamulada hada jooga.

Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) Badhasaabkan cusub ayaa masuuliyiinta iyo gudoomiyayaasha degmooyinka Wajaale iyo Alleybaday kala kulmay weji furan iyo rajo ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyeyaashu, iyada oo labaduba ay ka hadleen magaalada Alleybaday oo socodka lagu soo khatimay, waxaanay balanqaadeen inay si dhab ah ula shaqayn doonaan badhasaabka cusub gaar ahaana dhinacyada nabadgalyada iyo horumarinta degmooyinka. Badhasaabka cusub oo ay kormeerkiisaa ku wehelinayeen badhasaab xigeenka Gabiley Cali Cabdi C/laahi iyo masuuliyiin kale ayaa dhamaantoodba waxay balanqaadeen in ay si fiican ula shaqaynayaan badhasaabka cusub oo ah badhasaabkii ugu da’yaraa intii badhasaabo loo soo magacaabay gobolka Gabiley.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo gabogabadii kormeerkaasi uu ku soo maray degmooyinka Wajaale iyo Alleybaday ka hadlay, waxa uu yidhi “Guud ahaanba waan idinka mahadcelinayaa soo dhawaynta aan kala kulmay gobolka iyo degmooyinkiiba, sidii aan shaley qodobadii xil wareejinta ku sheegay aniga waxaa uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ii soo magacaabay in aan gobolka Gabiley ka fuliyo u jeedada ay xukuumada uu hogaamiyaa u dhisantahay ee ah dawladdii horumarka, Somaliland oo ah calaamada xukuumada reer Gabiley iyo madaxda degmooyinka waxaan kula xisaabtami doonaa sida uu horumarka uga qayb qaato.”

Isaga oo ka waramayay u jeedadda uu socdaalkiisu daaran yahay, waxa uu yidhi “Socdaalkayguna waxaa uu daaran yahay, in aan ogaado baahiyaha iyo halka uu horumarka ka taagan yahay, oo aan ku xisaabtamo wixii aan ka qaban karo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...