Somaliland: Wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka Carabta oo Soo Gaadhay Hargeisa.

Date:

Wefti ka socda hay’addaha Imaaraadka carabta ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana wehelinayay safiirka dhawaan loo magacaabay Imaaraadka Baashe Cawil. Ujeedka socdaalka weftigan ayaa lagu sheegay dardar galinta mashaariic Imaaraadku Somaliland ka hirgalinayo.

Weftigan waxa ka hortegay oo soo dhaweeyey wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, Wasiirka Deegaanka Shukri Baandare, Safiirka Chine u fadhiya Somaliland, Xoghayaha Madaxweynaha, Salaadiin, Masuuliyiin kale oo tiro badan, waxaana halkaasi ka hadlay Safiirka Imaaraadka, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka Deegaanka.

Related: Wefti Ka Socda Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyay »

 unnamed-511

Safiirka imaaraadka  Baashe oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi,

“maanta farxad weyn bay inoo tahay waftigan dalka yimid ee ka socda dawlada imaaraadka carabta ee halkan nagu soo dhaweeyay,  wasiiradii xukuumada iyo masuuliyiintiii kale ee qarankaba, waxaan aad iyo aad uga mahad celinaynaa sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyey gaar ahaan caasiamada somaliland ee hargaysa, waftigan imaaraadka  oo ka kooban sideed xubnood, waxa ay dalka joogi doonaan mudo sadex cisho ah, waxaanay  ka kala socda hay”adaha kala duwan ee dalka imaaraadka carabta, waxaanay runtii ujeedadoodu tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen masharaaicihii samafalka ahayd ee dawlada imaaraadku hore uga waday Somaliland.”

Ducaale

Wasiirka Macdanta,  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isna yidhi

“waftigan uu dalka keenay safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, farxad ayey inoo tahay walalaaheena imaaraadka oo xidhiidh soo jireeni uu ka dhexeeyey somaliland mudo dheer, dalkoodii hooyo markii ay marar badan yimaadeen, imikana ay mashaariic dhaxal gala ay dalka u wadaan, oo ka socotay markii madaxweynuhu imaaraadka tagay oo uu dawlada imaaraadka la kulmay oo mashaariico balbalaadhan oo horumara ay dawlada imaaraadku ugu balan qaaday somaliland,  maanta markaa waftigan  safiirku wadaa, waa inay dardar galiyaan oo hawlgaliyaan mashaariicdaa ay ugu balan qaadeen Somaliland.

waftiga sida uu safiirku sheegay waxa uu ka kooban yahay sideed qof oo uu hogaaminayo  nin aan dalka ku cusbayn oo ka socda xukuumada imaaraadka oo layidhaahdo  maxamed al kacbi, iyo muhandisiin iyo Engineero iyo dadwaxgarada oo mashaariicdaa kala duwan haday tamar noqoto, haday deegaan noqoto, haday diinta iyo awqaafta noqoto, iyo xaga beeraha, mashaariic kala duwan oo aad u balaadhan sidii loo hirgalin lahaa ayey maanta dalka u yimaadeen”

12049241_852075278239660_1684877336952011814_n

Wasiirka Deegaanka, Shukhri  Xaaji ismaaciil Bandarre

“runtii maanta waxa weeye maalin aad u qiima leh, illaahaybaa mahad leh, waxaanan runtii aad ugu mahad celinaynaa safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka iyo waftiga balaadhan ee uu hogaaminaayey  ninka maanta masuulka ah ee maxamed al kacbi, dhamaan waan u wada mahad celinaynaa dalka somaliland waan ku soo dhaweynaynaa markii ugu horaysay ee aynu kulano maaha waxa weeyi dad jecel inay wax ina taraan,  jecel runtii inaynu wax noqono oo laba dawladood oo isku xidhan aynu noqono, aad iyo aad baan waftigaa balaadhan u soo dahaweynaynaa,

sida ay inoo sheegeen safiirka iyo wasiirku runtii waxa ay u socdaan inay wax ina taraan oo wax inala qabtaan inay kor inoo soo qaadaan, dalka imaaraadku maaha dal aynu isku cusubnahay ee waa dalalka ugu wanaagsan ee aynu xidhiidhka dheeri inta  badan inaga dhexeeyey ummaddeenuna inta badan ay ku noolayd,

runtii wadankana laga soo dhisay wadamada laga soo dhisay ayey ku jiraan ee somaliland runtii lafdhabarta u ahaa, dadkeena halkaa jooga sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay maanta dalkani uu yahayba qayb wayn oo laxaadleh ka qaateen, waynu kusoo dhawaynaynaa wixii waxqabada waan la shaqaynaynaa waanan la qabanaynaa illaahay baa mahad leh, madaxweynuhuna waxa weeyaan madaxweynihii inoo furay albaabada runtii ee albaabadaa wada garaacay ee maanta  dalalkaa iska wada daba imanaya dalkasta ha ahaadee furaha runtii  u noqday, madaxweynahana waxaan leenahay aad baad u mahadsan tahay, anaguna si sharaf leh oo qadarin leh ayaan u soo dhaweynaynaa waxna ula qabanaynaa hadii alle yidhaahdo.”

 

12187711_852075184906336_8637520332437761070_n

11219526_852075321572989_3055404554162977482_n 12042973_852075424906312_1079513280479379586_n 12047158_852075531572968_9070339337699933333_n 12049168_852075364906318_8188773677243416570_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...