Somaliland: Ciidanka Qaranka Oo Ku Raad Jooga Hub Sharci Darro Ah oo ay Ku qabteen Maydh

Date:

Dooni siday saanad milatari oo iskugu jirtay hub iyo rasaas ayaa ka soo degtay magaalo xeebeeda maydh ee gobolka sanaag, hubkan oo la sheegay inuu leeyahay nin ka soo jeeda beesha degta deegaankaasi ayay xalay abaara 2:00am habeenimo ku soo xidhatay dekeda maydh,  taas oo ay ka war heleen ciidamada qaranka somaliland kuwaas oo ku baxay dhinaca xeebta halkaas oo uu dagaal ku dhex marayo dablay beeleed ka soo jeeda waqooyiga bari sanaag, oo la safan ninka hubkan leh, ciidamada ayaa dablaydan ka baacsaday deegaanka awr gaab waxaana ay hada ku daba jiraan dablaydan hubaysan iyo ninkii hubka sitay oo u cararay dhinaca beeralayda hareed halkaas oo ciidamadu raadkoodii ku daba joogaa.

ciidamada ayaa la sheegayaa inay la wareegeen doontii loo tuhunsanaa hubka oo maydh taagan iyo amaanka guud ee deegaanka waxayse baadi doon ugu jiraan sidii ay u soo qabqaban lahaayeen dablaydan  ninka wata iyo hubkii halka la geeyayba.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag casayr oo isagu hor kacayay ciidamada dowlada ee goobta jooga ayaa la sheegay  in isaga iyo ciidankiisii baadhitaano ka wadaan deegaanka Hareed oo looga shakisanyahay in hubka lagu qariyay, waxayna ciidamadu heleen gaadhigii xalay hubka maydh ka soo saaray oo saaka liin laga soo buuxiyay, hubka ayaa ay ilo xogogaal ahi  sheegeen in beesha waqooyiga Ceerigaabo ay yaman ka soo iibsatay.

hubkan ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa hub dhawaan ay wareejiyeen ciidamo ka tirsan jabhadaha islaamiga ah ee xuutiyiinta dagaalka kula jira, waxaana magaalada Sanca ka soo iibiyay nin kale oo ay ilmaadeer yihiin ka gadhigiisa xalay lagu arkay, wixii warara ee  iska hor imaadyadaas ku soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...