Somaliland: Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Warar Laga Faafiyay Qabanqaabada Shirka Kulmiye

Date:

Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar isa soo tarayay oo sheegayay in madaxweynaha Somaliland guddi u magacaabay qabanqaabada shirka Kulmiye. Warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay inaanu jirin warka noocaasi ah.

Warxafaadadeedka ayaa u dhignaa sidan:-

Warka lagu baahiyey shabakadaha interneta qaarkood ee lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu guddi qabanqaabo u magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo laga been abuuray Madaxweynaha Qaranka, isla markaana lagu doonayo in lagu khalkhalgeliyo habsami u socodka hawlaha diyaargarowga shirka.

Shuruucda iyo qawaaniinta u taal xisbiga KULMIYE ma bannaynayaan in guddi qabanqaabo loo sameeyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbiga.

Hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe oo uu masuul ka yahay Xoghayaha guud ee xisbigu waxay u socdaan si habsami ah, iyadoo maalintii shanaad ay socoto diiwaangelinta iyo samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ee ka qaybgali doona shirka 10-ka November 2015, ilaa haddana la ay is diiwaangeliyeen inta badan xildhibaannada golaha dhexe.

Sidaa daraadeed, waxaannu uga digaynaa dadka baahinaya wararka been abuurka ah ama tuhumada ay saxaafadu qabto in ay ka waantoobaan.

 

 ALLA             MAHAD            LEH.

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye

XASAN  SICIID  YUUSUF

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...