Somaliland: Madaxwayne Silaanyo Oo dalka kusoo laabtay Kana Hadlay Xaalada Xisbiga KULMIYE Iyo Hankiisa Madaxtinimo.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib safar shaqo oo ay  dalka dibadiisa ku maqnaayeen.

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyay badanka wasiirada Xukuumada iyo dhamaan masuuliyiinta haayadaha kala duwan ee Dawlada, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Salaadiin Iyo  Dadwayne Tiro Badan .

Madaxwaynaha oo qolka nasashada kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay ujeedada waftigiisa iyo xaalada Xisbiga Kulmiye ee uu loolanka adagi ka taaganyahay, Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu sheegay in musharaxiinta Xisbiga ay six or oo xalaala ugu tartami doonaan golaha dhexe ee Xisbiga isagoo ka gaabsaday in uu isagu musharax yahay.

Khudbada Madaxwayne Siilaanyo maanta ka jeediyay Garoonka Cigaal International Airport Waxay Ahayd Sidan:-

“Waxaan ku faraxsanahay dalkaygii oo aan dib ugu soo noqday si nabad galiyo ah waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo aan ku tagey dalka Ireland taasoo aanu la kulanay haayadaha kala duwan iyo madaxwaynaha dalkaa oo aanu martiqaad rasmiya ka helnay” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo

Madaxwaynaha oo ka hadlaya xaalada Xisbiga Kulmiye Waxaa uu Yidhi

“Sidaynu ka war hayno waxaa fooda inagu soo haya xiligi doorashooyinka, imikana waxaa taagan shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, sida dalka lagu yaqaanay wadankani waa dal dimuqraadiya Xisbigana waxaa lagu tartami doonaa si dimuqraadiyada. Waxaan xisbiga iyo dawladaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada, Qarranimada, anshaxa iyo dhaqanka suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyadoo la dhawrayo nidaamka iyo xeerarka Xisbiga u yaala.Guud ahaan waxaan kula dardaarmayaa shacbiga in la ilaaliyo nabada, wadajirka iyo iskuduubnida qaranka”

Madaxwayne Siilaanyo ayaa su’aal warbaahintu ka waydiisay inuu u sharaxan yahay  Madaxtinimada Kuolmiye Waxaa uu ku jawaabay

“Hala Gaadho Wakhtigeedii musharaxnimada”

12112222_124179784604942_8207491277617249789_n 12140845_10206288276339632_6706310682113049226_n12112336_849523831828138_9027311998173928743_n 12141688_849524898494698_7239289086603670359_n 12141708_849523738494814_711661985937475643_n

12105745_10206288282819794_1885551218508420754_n 12108277_10206288282179778_6911721589691666511_n

Comments

comments