Somaliland: Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadashay Kulan Somaliland Iyo Soomaaliya Ku Yeesheen Turkiga

Date:

Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi, iyo sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono. Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”

Xubnaha Dawladda Somaliland.

  1. Maxamuud Xaashi Cabdi:Wasiirka Duulista iyo Hawada
  2. Saciid Cabdi Maxamed: Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada
  3. Saciid Mahdi Ileeye: Agaasimaha Waaxda Duulista
  4. Axmed Cumar Caga-dable: La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

  1. Cali Axmed Jaamac (jangali) Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka
  2. Cabdiwaaxid Cumar: Agaasimaha Duulista
  3. Maxamed Khaliif: La Taliye
  4. Axmed Cabdiraxmaan:Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

  1. Ivan Galan : Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka
  2. Nancy Onyedim : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya
  2. Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
  3. Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika
  4. Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya
  5. Seval Ince : Air Traffic Controller

ALLA MAHAD LEH.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...