Somalia: Al-shabaab oo ciidamada dowladda ku weeraray duleedka Baydhabo

Date:

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo 5 Km u jirta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dagaal adag ayaa ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogagii Al-shabaab waxaan laga soo sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jira uu soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Bay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay Shabaab ka dileen ugu badnaan 9 qof halka ay sheegeen in dhaawacyadooda ay la baxsadeen, waxay saraakiishu qirteen in dhankooda laga dilay shan Askari dhaawacna uu soo gaaray 7 askari.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Baay iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka bilaabay deegaamada hoos yimaada magaalada Baydhabo iyagoo dadaal xoogan ku bixiyey halka dagaalka uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...