Somaliland: Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Kenya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Somaliland

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu Hadiyaydu siiyay Dastuurka dalka Kenya  Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jamhuuriyada Somaliland Markii uu soo booqday.

f1

Prof. Adam ayaa  Gudoomiyaha Maxakamada  Sare ee Kenya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay Kenya  ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.

s1

Comments

comments