Somaliland: Raysal Wasaare Ku Xigeenka Imaaraadka Carabta Oo La Kulmay Madaxweyne Silaanyo

Date:

Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda ee dawladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ee wadankaasi ee Magaaladda Abu-dhabi qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayo oo maalmo ku sii hakaday wadanka UAE, iyagoo maalmaha soo socdana u kicitimi doona Ireland.

Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, waxa uu madaxweynaha ugu soo dhaweeyay qasrigiisa si niyadsami leh oo uu siiyay baratakoolka ugu sarreeya ee ay ku muuneeyaan Madaxda dalkooda booqashadda ku tagta.

image310

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Iyo Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabtu waxay kulan ay yeesheen kaga wada hadleen sidii labada dawladood ay u sii adkayn lahaayeen iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan iyo dawladiisa uga mahad-celiyay mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland ka go’an tahay inay dhidibadda u sii adkeeyaan cilaaqaadka labada dal.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay u socdaan Ireland, hase yeeshee maadaama ay sii mareen Imaaraadka Carabta ay uga mahad-celinayaan sida dawladda Imaaraadku mar walba u soo dhawayso.

image315

Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka madaxtooyadda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay inay u han-weyn yihiin xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland isla markaana uu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay maalmo ku sii nastaan dalkiisa.
Kulankaas waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali.

Waxa isla galabtaba Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii dib ugu noqdeen magaaladda Dubia oo ay degan yihiin, iyadoo saraakiil ka socota dawlada Imaaraadku soo gelbiyeen.

image316

image318

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...