Somaliland: Gudoomiye Cirro oo Dalka ku soo laabtay, kana Hadlay arimo Badan

Date:

Gudoomiyaha golaha wakiilada  Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah  ee Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu maalmihii u danbeeyey safar ugu maqanaa Dalka Imaaraadka Carabta.

14(152)

Gudoomiyaha  ayaa waxaa madaarka caasimada Hargeysa si diiran ugu soo dhaweeyey masuulyiinta xisbiga wadani iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland.

Salaan  gacan qaad ah ka dib gudoomiyaha oo warbaahinta kula Hadley qolka nasashada ee madaarka  ayaa waxaa uu  ugu horeyn ka hadlay ujeedka safarkii uu ugu maqanaa magaalada Dubia waxaana uu yidhi

“Maalmihii u danbeeyey waxaan safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta Safarkaasi oo ahaa mid shaqo , fasax iyo caafimaadba  waxaanan  ku faraxsanahay in aad dalkeygii si nabad ah aan ugu soo laabto.

Shacbi ahaan waxaa aynu jecelnahay Qarimada dawlad nimadeena iyo nabadeena xukuumada  somaliland waxaan ugu baqayaa cidii ay xidhay in ay xabsiga ka sii deyso hadii ay noqto madax dhaqameed  wariyayaal iyo  hadii ay yahiin  shacbi kale”

12(207)

Sidoo  kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka Hadley halkii uu ku danbeeyey murankii golaha wakiiladu waxaana uu sheegay in ay dhameysanayaan waxii khilaaf ah ee soo kala dhex galay  isla markaana aan loo baahnen cid dheeraad ah oo soo kala dhex gasha waxaana uu yidhi

 “  Waxaan shacbiga rer Somaliland Sidii Aan hore uga Raali galiyey aan iminkana ka  raali galinayaa arintii yareed eea golaha ka dhacdey maadaama oo aan odeygii golaha waxaanan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu golahu dhameysanaayo  aniga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaadna hawshaas anaga ayaa dhameysaneyna gudoomiye ku xigeenkeygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto waan saamaxey waxii kale  ee dhimana anaga ayaa dhameysaneyna cid aanu u baahanahay in ay hawashaas soo faro galisaana ma jirto “ Ayuu yidhi

Ugu danbeyntii gudoomiye  Ciro ayaa waxaa uu xukuumada  somaliland ugu baaqeyn in ay culeyska ka qaado magaalada Berbera oo uu sheegay in ay xukuumada saartey culeys aanay qaadi Karin  waxana uu yidhi

“ waxaad mooda in ay xukuumadu si gaar ah ay culeys aanay qaadi Karin saareyso magaalada berbera  mana ah in magaalada berbera la saaro culeys aanay qaadi Karin , lakin culeyskaasi waa mid ka jira dalka oo dhan” ayuu gudoomiye Ciro Hadalkiisi Ku Soo Gabo Gabeeyey .

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...