Somalia: Xildhibaanada Mooshinka ka waday Madaxweynaha oo ka hor yimid go’aan Guddoonka Baarlamaanka

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud (C) walks out after attending Sudan's President Omar Hassan al-Bashir (not pictured) inauguration ceremony at National Assembly in Omdurman, June 2, 2015. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka noqon mooshinka iyagoo ka hor yimid war shalay ka soo baxay gudoonka baarlamaanka federaalka ee ahaa in heshiis laga gaaray mooshinka.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu ka mid yahay xildhibaanada ugu horeeya ee wada mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sh wuxuu sheegay mar uu la hadlay BBC-da laanta afka Soomaaliga ayuu sheegay in aysan jirin mooshin laga noqday iyo wada hadal lagu guuleystay mooshinkiina uu yaalo miiska gudoonka baarlamaanka lagana doonayo in ay wajigiisa xiga galaan.

Goddax.Barre_-610x380

Warka gudoonka baarlamaanka ayuu Xildhibaan Goodax sheegay in uu yahay in aan wax ka bedelayn xaalada jirta dhankoodana ay u arkaan arrin uu ka dambeeyo madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo xal mooday soo saarida war aan xaqiiqda ka hadlay iyo mooshin laga noqday.

Gudoomiyaha baaramaanka ayuu ku eedeeyey in uu san dhex dhexaad ka ahayn arrintan oo uu qabanayo go’aamo ka soo baxay madaxweynaha una wada arkaan in xalku imaanayo.

Xildhibaankan oo ku hadlaya afka xildhibaanada mooshinka wada ayaa sheegay in aysan ka qayb gali doonin shir uu gudoomiyaha baarlamaanka ku balimayey dhinacyada baarlamaanka oo lagu dhamaynayo xaalada mooshin dhacayana bishan Oktoobar 7-da, Shirkaas ayuu sheegay in xildhibaan ka socda dhankooda ka qayb galay.

Waxaa weli taagan muran iyo mooshinada isgarab socda ee midna looga soo horjeeda madaxweynaha midna lagu taageerayo, Gudoonka baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinada lagu dhamaynayo wada hadal hadana laga noqday lana dhameeyey murankii socday 7-da bisha Oktoobar ayaa lagu balansan yahay shir dhexmara Gudoonka iyo dhinacyada Mooshinada.

Comments

comments