Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa wasaaraddaha Biyaha iyo maaliyadda waxa uu amray inay taakulayn degdeg ah gaadhsiiyaan gobolada Awdal, Salal, Gabiley iyo degaanno ka mid ah gobolka Sanaag.
Madaxweynaha ayaa amray in 48-ka saacdood ee soo socda wasaaraddahaasi bilaabaan biyo dhaamis degdeg ah oo dadkaasi lagu gaadhsiiyo biyo kadib markii abaaro saameeyay dad iyo duunyo saameeyeen deggaannadaasi.
Go’aanka madaxweynaha ayaa soo baxay iyadoo Mudaneyaasha gobolada galbeedka Somaliland iyo xisbiga Waddani ka dayriyeen xaaladda nololeed ee degaannada Awdal, Salal iyo Gabiley.
Madaxweyne Silaanyo waxa uu amar ku bixiyay in biyo dhaamiskaasi socdo inta laga daboolayo baahida dhinaca biyaha ee dadka iyo xoolaha haysata ama inta Raxmadda Alle ka da’ayso.
Dhinaca kale kadib go’aanka madaxweynaha waxa uu roob fiicani ka da’ay Magaalada Gabiley iyo degaammada hoos yimaada. Qaar ka mid ah dadweynaha Gabiley oo saxaafadda la hadlay ayaa Alle uga mahadnaqay Raxmadda Alle ee da’day wakhti aad loogu baahnaa, iyagoo Alle ka rajeeyay inuu raxmada u siyaadiyo.
Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Burco kaga dhawaaqay amarka Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shacabka ugu baaqay inay Alle waydiistaan Raxmaddiisa islamarkaana Alle ka baryay inuu Dayr wanaagsan siiyo dadka iyo duunyada Somaliland ku nool.