Somaliland: Agaasimaha Duulista iyo Wasiirka Hawlaha Guud Oo Dhagax Dhigay Madaarka Laascaanood.

Date:

Madaarka Magaalada Laascaanood ayaa maanta la dhagax dhigay bilowga mashaariic horumarineed oo laga fulinayo.

Madaarka oo ay dhagax dhigeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Md, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo maayarka Laascaanood.

10534685_1622800871270531_2083476108966448136_n

Maashaariicdan laga Fulinayo madaarka Laascaanood oo ay kharashka ku baxay iska kaashanayaan Xukuumadda Somaliland iyo ganacsato deegaanka ah ayaa maanta la bilaabay.
Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhigaasi ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Md, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo fariin kooban oo dhigay bartiisa Facebook waxaanu yidhi “ Saaka waxaanu dhagax dhignay aniga iyo wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed garoonka laascaanood oo laga samaynayo 1.5 gravel run way.

waxa ka daga maalin kasta diyaarad cargo ah oo sida qaad. waxaan ka soo samaynay wasaarad ahaan report si deg-deg ah wax loogaga qabanyo arimaha kale ee garoonku u baahan yahay sida:-

  1. terminal yar oo kooban oo leh hagadii
  2. xafiisyadii
  3. gaadhi dab damis ah
  4. xayn daab.

arimahaas oo wasaarad ahaan aanu si deg deg wax uga qaban doono insha allaah., waxa goob joog ahaa madaxii gobolka intoodii badnayd haday tahay dhaqan haday tahay madaxdii gobolka ganacsatadii iyo dadweyne kalaba.” Ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.

11402974_1622800854603866_3582940266794778416_n11168958_1622801154603836_4494876298160955565_n11707603_1622800861270532_4967563448461617530_n

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...