Nepal oo weli ay samatibixin ka socoto

Date:

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee dalka Nepal, ayaa xalay oo dhan shaqeynaayay, iyagoo weli rajo ka qaba inay helaan qof ka badbaaday musiibada dhul gariirka dalkaasi sabtidii ku dhuftay.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Kathmandu ayaa sheegaya in la siiyay waxkastoo gacanta lagu qaato sida qalab culus oo lagu socdo, balse taasi waxay caqabad ku tahay in waqtigan la helo qof weli noo.

Boqollaal kun oo qof ayaa habeenkii afaraad ku nool xeryo meel banaan laga dhisay, kuwaas oo qaar ka mid ah guryahooda ay burbureen iyo kuwa ka baqaya in markale dhulka uu ruxmo.

Orla Fagan, oo ah afhayeen ka tirsan xafiiska arrimaha bini-aadamnimada ee UNka, ayaa BBC-da uga warramay waxa marka hore loo baahan yahay in la sameeyo.

Ra’iisul wasaaraha dalka Nepal, Sushil Koirala ayaa sheegaya in dowladdiisa ay sameyneyso wixii karaankeeda ah, balse musiibada ay ka tanbadisay.

Kooxaha gurmadka ayaa weli la harjadaya sidii meelaha fod eek a mid ah buuraha Himalaya ay gargaar u gaarsiin lahaayeen.

Roob xoog leh ayaa sii xumeynaya xaaladda ay boqollaalka kun ee qof ee barakacay, eek u jira xeryo.

Qaramada midoobeey ayaa sheegtay in qiyaastii 8 milyan oo qof oo ku noolaal 39 degmo uu dhulgariirka saameeyay.

In kabadan 10,000 oo qof ayaa ku dhaawacantay dhul ruxanka. Qiyaastii 5,000 oo qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay dhinteen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...