Somaliland: “Qaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo aan marnaba ka noqod iyo gorgortan toona lahayn!” Wasiir Xirsi

Date:

Ugu horayn dhamaan umada Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, Allaha inaga dhigo kuwa ku guulaysta Naxariista iyo dembi dhaafka Alle isla markaana naarta laga xoreeyo.

Intaas kadib, waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!

Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!

Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!

Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan

Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:
“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” كفى بالمرء كذبا أن يحدّث بكل ما سـمع ”

Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...