Iraq: Diyaarad si khalad ah u duqeysay magaalada Baqdaad!

Date:

Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Cirka ee Ciraaq ayaa Isniintii shalay si khalad ah u duqeysay qeybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Baqdaad.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay duqeynta ka dhacday xaafada Baqdaad Jadiidiya oo ku taal bariga caasimada.

Guryo badan oo ku yiilay xaafada ay bambaanada diyaarada ku dhacday ayaa burburay, waxaana la sheegay dadka dhintay inay ku jiraan caruur iyo haween.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada Ciraaq ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradooda oo kasoo qeyb qaadatay duqeynta xarumaha ISIS ay xiligii ay dib ugu soo noqneysay xaruntooda Baqdaad ay si khalad ah uga fakatay mid kamid ah bambaanooyinkii ay diyaarada xambaarsaneyd, arrintan oo uu afhayeenka ku sheegay cilad farsamo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...