Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta u Socdaalay Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirada ayaa safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaarada Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

1794683_789867007793821_7925756117318099396_n

Waxaana halkaasi madaxweynaha ku sii sagootiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Muj. Maxamed Kaahim, sulaadiin, cuqaal, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka
1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
3. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
5. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
6. Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal
Ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranka.

10632838_789866791127176_3502976601231081653_n 11148692_789866431127212_4641010732929234767_n 11220070_789866551127200_3362719239723799412_nZ0000013

 

Comments

comments