Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo ka qaybgalay munaaasibad lagu xusayo Sannad-guuradii labaad ee Idaacadda Qur’aanka

Date:

Laba sanno oo gaw ah ayaa ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la maqlay codka Idaacadda Quraanka Kariimka ah oo ku rikiban gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, taas oo 24-ka saacadood oo isku wareeg ah ay ka baxaan Qur’aan iyo Axaadiis ay joogto u dhagaystaan dadweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qaybgalay munaasibad la wayneeyey oo lagu xusayey laba-guurada Idaacaddan, taas oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayna sidoo kale ka qayb-galeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, Agaasimaha Warfaafinta Maxamed Cilmi, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Culimaa’udiinka dalka iyo martisharaf kale.

11267513_787452171368638_95980312578935607_n

Mareeyaha Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Sheekh Maxamed Shabeel oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa mahad u celiyey madaxda Wasaarada Warfaafinta oo uu ugu horeeyo Wasiir Cukuse iyo Agaasimaha Guud Maxamed Ilka-case.Wuxu sidoo kale u mahad-naqay cid kasta oo ka soo qayb-qaataday furitaankii iyo hirgelintii Idaacadda.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi “Ilkacase” iyo Wasiirka Cabdillaahi Cukuse iyaguna waxa ay u mahadnaqeen shaqaalaha wasaaradda, waxayna ku nuuxnuuxsadeen faa’iidada idaacadda Qur’aanka Kariimka ahi u leedahay mujtamaca.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay faaiidada quraanka kariimka ah u leeyahay dalka.

“Ugu yaraan 20 sheekh oo ka hawlgala Wasaaradda ayaa dadweynaha idaacaddan uga gudbiya aqoonta diinta” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Wasiirku wuxu xusay in ay sii xoojin doonaan barnaamijyada idaacaddan muhiimadda bisha Ramadaan awgeed.

Sheekh Maxamed Aadan wuxu ku hadlay magaca culimada isagoo sheegay in culimo ahaan ay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah u arkaan horumarka ugu weyn ee la gaadhay.

[quote]“Wuu jiraa waxqabad kale oo aan la dafiri karin laakiin culimo ahaan Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah waxan u aragnaa horumarka ugu weyn ee la gaadhay Madaxweynuhuna mustaqbalka wuxu ku faani doonaa in uu yahay qofkii qur’aanka dalka oo dhan gaadhsiiyey.”[/quote]

Intii ay munaasibaddu socotay Madaxweyne Siilaanyo waxa la guddoonsiiyey shahaado-sharaf uu mutaystay kadib markii magaalooyin badan oo dalka ah uu ka hirgeliyey Idaacadda Qur’aanka Kariimka, sidoo kale waxa sharaf ahaan loo guddoonsiiyey kitaab Qur’aanka Kariimka ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo gunaanadkii munaasibadda hadal ka jeediyey wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu u taagnaado sannad-guuradii labaad ee hirgelinta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah. Madaxweynuhu wuxu ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta sida ay hadafkan uga midho-dhaliyeen Idaacaddana u gaadhsiiyeen dalka oo dhan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...