Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Guul Ku Tilmaamay Socdaalka Weftiga Madaxweynaha ee Imaaraadka

Date:

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in Somaliland bushaaro wanaagsani uga soo socoto dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kadib booqashada uu halkaa ku tagay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaga iyo Wasiirka Qorshaynta Somaliland shir kaga qaybgalayaan Jarmalka, ayaa xog-warran kooban oo uu qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ku siiyey madaarka diyaaradaha ee magaalada Frankford ee dalkaas oo halkaa ku soo dhaweeyey, waxa uu sheegay in safarka wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ku joogo dalka Imaaraadka ay ka soo socoto bushaaro wanaagsani, “Waxaan soo maray oo aan toddobaad iyo dheeraad joogay dalka Imaaraadka, waxa igaga daba yimi wefti uu hoggaaminayo Madaxweynuhu oo aan ku booqday Abu Dabai, weftigaasi si fiican ayaa loo qaabilay oo albaabada ayaa la inoo furay, markaa halkaa wax aka soo socota bushaaro wanaagsan,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Waxa kaloo uu xusay in shirka ay ka qaybgalayaan isaga iyo Wasiirku oo ah mid caalami ah oo adduunka oo dhan isugu yimaado sannad kasta (International Barlin Gadaring) ay u qorshaysan tahay inay la kulmaan madax kala duwan iyo wasaaradaha arrimaha dibadda iyo qorshaynta ee Jarmalka oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland.

“Sidoo kale bisha September ee sannadkan waxa bilaabi doona urur ganacsiga ah oo ay ku midoobeen Somaliland iyo Jarmalka oo la yidhaa (German – Somaliland Trade and Busisses Forum) oo aannu berigii hore ka shaqaynay, kaas oo ganacsatadeennu iman doonto Isha Allah,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali.

Hadalka Guddoomiyaha UCID ayaa imanaya waqti wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) ay booqasho ku joogaan dalka Imaaraadka Carabta oo casuumadi uga timi, una soo diray diyaarad khaas ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkan, balse ilaa hadda si cad looma shaacin sababta martiqaadka Imaaraadka iyo qodobada dhabta ah ee labada dhinac ka wadahadleen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...