Somaliland: Maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan oo xilkii wareejiyey

Date:

Maayar kii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku-xigeenkiisii Maxamed Muxumed Faarax-Dheere ayaa maanta xilkii wareejiyey.

Xaflad weyn oo ay ka soo qayb-galeen madax-dhaqameedka Awdal, Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax”, Agaasimaha Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Awdal iyo dadweyne tiro badan.

Guddoomiyii hore ee Golaha Deegaanka Boorama oo u muuqday nin wax tirsanaya ayaa sheegay in tartankii lagaga guulaystay uu adkaa laakiin ay Maydhane guushu raacday kadib markii laga hiiliyey.

[quote]“Tartankii labadayadu waanu isla degnay…waanu isku barbar dhacnay…laakiin isaga (Maydhane) gacanta ayaa la soo qabtay” ayuu yidhi Saleebaan.[/quote]

Maayarkii hore wuxu sidoo kale beeniyey warar la isla dhex marayey oo sheegayey in uu ka daba tagi doono Suldaan Wabar oo ay jifo hoose isku yihiin.

[quote]“Aniga dhaankaygu dhinaca aad moodaysaan uma jeedo. Arrina Suldaan-kuna Somaliland oo dhan ayay u taallaa” ayuu yidhi guddoomiyuhu.[/quote]

Saleebaan waxa uu sheegay intii uu guddoomiyaha ahaa uu mashaariic tiro badan fuliyey isla markaana ay ku guulaysteen. Sidoo kale wuxu xusay in uu ka shaqayn doono horumarinta Somaliland.

[quote]“In aan Somaliland dhiso mooyaane in aan dumiyo ha iga filina.”[/quote]

Saleebaan Xaddi wuxu si dadban u sheegay dhinaca uu mustaqbalkiisa u jeedinayo wuxuna yidhi.

[quote]“Aniga Maydhane ayaa i riixay. Aniguna u jeedsan doonaa xagga sare. Rag badan oo madax sare ah ayaa war-xumo tashiil ka shaqeeya. Kuwaas ayaan isugu tegi doonaa xagga sare.”[/quote]

Maayarka cusub oo xafladda hadal kooban ka jeediyey wuxu xildhibaannada Boorama ka codsaday in ay la shaqeeyaan si uu masuuliyaddiisa habsami ugu guto.

Badhasaabka Awdal iyo Madax-Dhaqameedka Awdal oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa xildhibaannada golaha deegaanka ee Boorama kula dardaarmay in ay garab galaan Maayarka cusub ee Boorama.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...