Somalia: Al-Shabaab oo weerar ku qaadey Ciidamo Ethiopian ah oo ka tirsan AMISOM kuna Dishay 30 kamida

Date:

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay dileen 30 ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa Amisom, kuwaasi oo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Iskahorimaadka oo bilowday galinkii dambe ee shalay soona gaaray maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaarida dagaalka ah, walina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...