Somaliland: Saleban Gaal Oo Wali Ku Dhegan Mawqifkiisii, Madaxweyne Silaanyo-na Ugu Baaqay In Uu Is Casilo.

Warar hoose oo ayaa xaqiijinaaya in gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Gaal uu ilaa hada ku dheganyahay mawqifkiisii ahaa in lagu dhaqmo ama la hir galiyo mudo kordhintii ay golaha guurtidu sameeyeen dhawaan, waxna uu ilaa hada si toos ah oo aan gabsho lahayn uga soo hor jeedaa heshiiskii ay gaadheen sadexada xisbi qaran iyo xukukumaddu ee dhigaayay in laga soo guuro ama gabi ahaanba laga noqdo mudo kordhintii ay golaha guurtidu ay ku dhwaaqeen ama sameeyeen.

Hadaba tan iyo intii ay heshiiska gaadheen xisbiyada mucaaridka iyo xukumaddu waxa dawladu ay ergo isdaba joog aha ay u diraysay gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Gaal, ergadaasi oo ka codsanysay in uu gudoomiyahu uu ka soo laabto mawqifkiisa oo uu tixgaliyo heshiiska ay gaadheen xisbiyada qaranku iyo xukumaddu, hadaba ergadani oo xisbiga Kulmiye qayb ka ahaa oo markii u horaysay arintani la galay Saleebaan Gaal ayaan wax natiijo ah aan ka soo hoyinin, sidoo kale xukumaddu waxa ay Saleebaan Gaal u dirtay hogaamiye dhaqameedyo kala gadisan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedka beesha ay ka soo wada jeedaan madaxweynaha iyo gudoomiye Saleebaan, sidoo kale arimahaasi ilaa hada wax guul ah lagama gaadhin.

Gudoomiye Saleebaan Gaal ayaa ergo kasta oo u tagta waxa uu soo farayaa isla markaasina sida dhayda uga cadaynayaa mawqifkiisa oo ah in aan xiligaa ay kordhiyeen maalina lagu daraynin maalina lagu kordhinaynin, sidoo kale waxa sii lumaaya xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa gudoomiyaha golaha guurtida iyo madaxweynaha waxana cid kasta oo gudoomiye Saleebaan Gaal u tagata uu soo faraa adeerayaal waxaaad ku tidhaahdaan madaxweynaha is casil taasi oo aan laga jeclaysanin xaga madaxtooyada.

Karahaada madaxtooyada ee hadalada iyo diidmada Saleebaan Gaal ka soo yeedhaaya ka sokow waxa ay warar hoose xaqiijinayaan in gudoomiye Saleebaan Gaal uu taageero iyo garab hada ka helaayo wasiirka madaxtooyada wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxana ay wararku sheegayaan wasiir Xirsi oo la safnaa xukumadda isla markaasina xisbiyada mucaaridka ah ku qanciyay in uu ka hawl gali doono in Saleebaan Gaal uu ka soo dhamayn doono wakhtiga lagu heshiiyay ee xisbiyada iyo xukumaddu isla qaateen yaa hadana ayaamahan ugu danbeeyay waxa ay wararku xaqiijinayaan in uu isbadal balaadhani ku yimid, arimo badan awgood, taasi oo ay ugu horayso, wasiir Xirsi oo awoodii uu ku lahaa madaxtooyada ay sii shiiqayso isla markaasina uu dhabarka soo saaray gudoomiye Saleebaan oo madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisuba ay aad uga baqaan, taasi oo uu wasiir Xirsi xiligani halkaasi ka dhiganaayo xeelad siyaasadeed oo uu is tusay in hadii Saleebaan uu xiligani garab istaago isgana ay awoodiisii soo noqon doonto ama aan dheyel loo dhaqaajin doonin.

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa xukumadda looga fadhiyaa oo caalamka iyo xisbiyada mucaaridkuba ay sugayaan in si dhakhso ah loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya xukumadda iyo golaha guurtida, taasi oo hirgalinteeda iyo awoodeeda uu leeyahay madaxweynahu, is jiid jiidadka iyo kala meer meeraysiga Siilanyo iyo Saleebaan Gaal waxa ay sii kordhinaysaa shakiga u dhaxeeya xukumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah oo is tusaysa in aan xukumaddu raali ka ahayn heshiiskii la gaadhay, taasina waxa ay sababi kartaa in ay xisbiyada mucaaridkuna ka baxaan heshiiskaasi, isla markaaisna xukumadda oo wakhtigeedii uu ka hdhay laba todobaad aan la aqoonsan doonin isla markaasna uu dalku gali doono buuq iyo jaha wareer siyaasadeed oo masuuliyadeeda dusha loo saari doono xukumadda.

QN

Comments

comments