SA: Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Koonfur Afrika oo “laaluush” siisay FIFA

Date:

Warqad uu qoray, madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta ee Koofur Afrika, oo si hoose loogu gudbiyay wargeys ka soo baxa dalkaasi ayaa waxa ka muuqdo miisaanka eedeynta ah in dowladdaasi ay si hoose u bixisay 10 milyan oo dollar taas oo ay ku adkeysanayaan inaysan laaluush ahayn.

Iyadoo ay jiraan eedo ku saabsan in musuqmaasuq uu ku baahay hay’adda ugu sareysa ee kubadda cagta caalamka ee FIFA, ayaa warqaddan waxa ay caawineysaa eedaha ay Mareykanka baarayaan.

FIFA ayaa la sheegay in tobannaankii sano ee la soo dhaafay ay hareysay musuq.

Warqadda waxaa la qoray seddax isbuuc ka hor intaan lacagtii ugu horeysay la bixinin, taas oo qeyb ka ahayd 10 milyan oo dollar oo South Afrika ay bixisay.

Dhaqaalahaasi ayaa wasiirka ciyaaraha ee Koofur Afrika waxa uu ku sheegay inay ahayd mid ay ku caawiyeen ciyaaraha Caribeanka.

Laakiin galdacwadeedka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay gashay jeebabka madaxda sare ee FIFA, taas oo lagu badashay in Koofur Afrika laga taageero helidda martigelinta ciyaarihii 2010kii.

Dikumiintigan waxaa saxiixay madaxweynihii hore ee xiriirka kubadda cagta ee South Afrika, Danny Jordaan waxaana loodiray xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke.

Waxa ay warqadda shaaca ka qaadeysaa sida Mr Jordaan uu FIFA u weydiistay in lacagta la bixiyo iyadoo khadad kala duwan la marsiinayo.

Arrintaasi ayaa sidoo kale la sheegay in lagala tashto wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Waxa ay hadda u egtahay in warqaddan ay culeys u yeeleyso eedda ah in dowladda South Afrika iyo hay’addeeda ciyaaraha ay qaadeen tallaabo ay isaga fogeeyaan kulug lahaanshaha diridda lacagtaasi.

Waxa ay arrintan keeneysaa su’aal ah, sababt? Maxay bixinta lacagta ay muhiim ugu tahay fadeexadda musuqa ee FIFA, taas oo 14 qof loo haysto.

Dhaqaalahaasi ayaa sidoo kale dhaliyay wax isdabamarin iyo lacago siqalad ah lagu qaaday taas oo maamulka hay’adda ugu xoogga badan ee ciyaaraha bartamaha u gelisay qalalaase aan caadi ahayn

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...