Somaliland: Taliyaha Booliska Oo ka Hadlay Nin Lagu Dilay Hargeysa

Alle ha u naxariistee hal qof ayaa maanta ku dhintay muran la sheegay inuu ku saabsanaa dhul oo ka dhacay xaafada masalaha ee magaalada Hargaysa.

Nin dablay ah ayaa toogasho ku dilay marxuumka oo magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali oo loo yaqaanay Cabdi Naano.

Taliyaha booliska Sareeye Guuto Cabdilahi Fadal oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii oo uu haatan ku jiro gacanta booliska.

Muranka dhulka ayaa Somaliland sababa iska hor imaadyo dhimasho iyo dhaawac geysta.

Comments

comments