Somaliland: Xukuumadda Oo Dejisay Qorshe Lagu Yaranaynayo Ajaanibka ka shaqeeya Dalka

Date:

Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa soo bandhigtay nidaam lagu xoojinayo in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi dalka ka qabtaan ee fudud lagu wareejinayo muwaadiniinta qaban karta si shaqo loogu abuuro.

Shir maanta ka qabsoomay xarunta Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, masuuliyiinta shirkadaha iyo xubno ka socday hay’addaha dalka ka hawlgala.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankan waxaanu “Waxaynu isugu nimid in aynu ka wada-tashano danta shaqada iyo shaqaalaha, shaqada iyo shaqaaluhu waxa weeyaan saldhiga dhaqaalaha, horumarka, bulshada, Ummadda iyo shacabka adduunku, gaar ahaan inaga si gaar ah bay inoo saamaysaa Somaliland ahaan, oo haddaynu shaqo abuurka iyo shaqada aynu hagaajino waxa hagaagaya dalka dhaqaalihiisa, aqoonsiga iyo horumakiisu intuba taasay ku dhisan yihiin.”

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa kale oo uu mahad naq ballaadhan u jeediyay hay’addo uu sheegay in ay shaqo abuur u sameeyeen dhalinyaro badan, waxaanu yidhi “waxaan aad ugu mahadcelinayaa hay’addaha dhalinyaradeena shaqo u abuuray oo xoogoodu halkan ila fadhiyaan qaarna ay u suurtogelin inay yimaadaan. Waxaanu ka wadatashanaynay in aanu is weydiino sidee loo kobcin lahaa shaqada, sidee xuquuqda shaqada iyo loo shaqeeyaha loo xaqiijin lahaa, waxa kale oo halkan kaga wada hadalnay qodob ah in aanu ogaano shaqaalaha ajnabiga ah ee u shaqeeya shirkadaha waaweyn iyo ururada ama si gaar ah dalka uga shaqaysta si aanu u ogaano oo xog uga helno tiradooda, waxtarkooda, waxqabadkooda iyo dhibkooda.”

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay ku dedeelayaan in shaqooyinka dadka ajaanibka ahi hayaan ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi “Ninka shaqaalaha ah ama Inanta shaqaalaha ee ajnabiga ah haddii uu jiro muwaadin shaqaale ah oo Somalilandder ah uu buuxin kara jagadiisa oo shaqadiisa qabto aanu dhiirigelino ayaanu doonaynaa oo ujeedada ugu weyni tahay. Markaanu ogaano warbixin iyo xog badan oo ah yaa inoo shaqeeya, maxaa inoo shaqayn kara, halkeebuu wax inooga qaban karaa.”

Sidoo kale Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, waxa uu intaas ku daray “Waxa jira dad badan oo ajaanib ah oo aynu u baahan nahay oo waxyaabaha aynaan khibrad u lahayn inaga caawiya oo aynu ka baranaa, mustaqbalka soo socdaana waxaanu higsanaynaa waxa weeyaan in aynu shaqadaa inagu aynu bedeli karno. Waxa kale oo aan idinkula dardaarmayaa intii kale ee aan ka soo qaybgelin shirka dambe oo INSHA ALLAH sidan aan rajaynayo sidaynu ku go’aansanay bisha todobaad aan rajaynayo in aynu halkan iskugu nimaadno oo wixii warbixin ah ee aynu kala qaadanay halkan iskugu nimaadno, mar labaadna aad baad u mahadsan tihiin.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...