Somaliland: Guddida Musdambeedka WADDANI Oo Guddoomiye Cirro Faray Inaanu Iska Casilin Xilka Golaha Wakiiladda

Date:

Guddida Musdambeedka ee jaan-gooya siyaasadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa Guddoomiye Cirro ugu baaqay in aanu ka degin xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda haddii uu hirgalo heshiiskii saddexda xisbi qaran ay dhawaan ku soo afjareen khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka.

Guddida mus-dambeedka oo iskugu jira Ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo wada jeeda ardaaga Guddoomiyaha WADDANI ayaa shir ay dhawaan yeesheen, waxa ilo ku dhow-dhow xisbigaasi ay ku warameen inay soo jeediyeen in aanu Guddoomiye Cirro iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ay ku doodeen inuu u yahay biriish uu caalamka kula xidhiidhayo iyo il dhaqaalle oo uu xisbigiisa uga faa’iidayn karo.

Go’aanka Guddiga ugu sareeya xisbiga WADDANI waxa uu meesha ka saarayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro ka dhabeeyo balan-qaadkiisii la xidhiidhay inuu iska casilayo xilka Golaha wakiiladda, haddii la muddeeyo xiliga ay doorashadu qabsoomayso, arrintaasina waxay nusqaan ku tahay Shakhsiyadiisa, maadaama oo aanu marna ka run sheegaynin waxyaabaha uu balan-qaado.

IMG_7B2466-4DA9CF-B62D2E-11F512-853826-440169
Cabdirxmaan Cirro | Gudoomiyaha WADDANI

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xisbigiisa ka nooleeyay miisaaniyadda Golaha Wakiiladda oo uu ugu tagri falo si shakhsi ah, waxaana dhaqdhaqaaqyadda WADDANI laga maal-geliyaa miisaaniyadda Golaha oo uu si fool xun ugu tagri falo.

Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID ayaa dhawaan heshiis ay kala saxeexdeen oo afar qoddob ka koobnaa waxay ku sheegeen in doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda dalka laga qabto badhtamaha Bisha December ee sannadka 2016-ka, iyadoo Golaha Guurtiduna ganafka ku dhufteen heshiiskaasi oo ay ku sifeeyeen mid ka hor imanaya dastuurka dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...