Somaliland: Xisbiga Ucid Oo Sharaxay Mawqifkiisa Muddo Kordhinta, Gudoomiye Cirro Na Eedo U Jeediyay

Date:

Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa qoraal uu soo saaray ku sharaxay mawqifkooda ku aadan Muddo kordhin loo sameeyo Xukumadda Siilaanyo, waxaanay Gudoomiyaha Waddani ku eedeeyeen inuu masuul ka noqonayo Muddo kordhin kasta oo ka badan laba sannadood iyo badh oo guurtidu samayso.

Qoraalka Xisbiga Ucid oo uu ku saxeexnaa Gudoomiye xigeenka Saddexaad Mudane Cali Guray waxa uu u dhignaa Sidan:-

“Xisbiga UCID wuxu halkan ku cadaynayaa in aanu waxba ka bedelin mawqifkiisii ku wajahnaa qabashada Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiillada ee 1-da Bisha June 2016ka sidii hore ay isula ogolaadeen Komishanka Doorashooyinka iyo saddexda xisbi Qaran, Madaxwaynaha iyo qaadhaan-bixiyayaashuna ay kula waafaqeen oo aanu u aragno inuu yahay wakhtiga ugu horeeya ee suurtogalka ah.

Wada-tashigii ay gudida guurtida ka socotay ay sida gaar gaarka ah ula yeelatay xisbiyada Qaranka, mawqifka xisbiga UCID waxa si cad oo aan madmadow lahayn u qeexay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, isagoo weliba si faahfaahsan uga xog-waramay duruufaha adag ee ku xeeran iyo aragtida dhinaca bulashada caalamka.

Haddaba, doodihii iyo shir-doceedyadii ay yeesheen xisbiyada qaranku maaha in si qaldan loo tarjunto oo loo fasiro in Xisbiga UCID uu ka noqday heshiiska loo wada dhan yahay ee taariikhda qabashada labada doorasho ee 1 June 2016.Ujeedada ugu muhiimsanyd ee keentay kulamadan dambe waxay ahayd markii ay xisbiyadda Qaranku is tusuyeen in xubno guurtida ah ay wadaan muddo-kordhin ka badan laba sanno. Si taa loo hor joogsado waxay ugu dambaystii saddexda xisbi ku heshiiyeen in si muddo-kordhinta Guurtidii wadaa aanay u noqon mid dabo furan oo noqon karta intay doonto loo asteeyo xad aanay dhaafi karin oo ah muddo shan bilood iyo badh oo sadddexda xisbiba isla ogolaadeen.

Haseyeeshee, waxa nasiib-darro ah in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu saxeexin wixii lagu heshiiyey ee qof ahaan iyo xisbi ahaanba uu qaybta ka ahaa, iyadoo ilaa hadda aanaan xisbi ahaan gaaranayn sababta Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu uga baxay heshiiskaa, waxaannu halkan ku caddaynaynaa in guddoomiyaha WADDANI masuul ka noqonayo wixii ka yimaad Golaha Guurtida, maadaama uu ka baxay heshiiskii iyo go’aankii dabarka u ahaan lahaa Guurtida hamuunta u qabta muddo-kordhinta sharci-darada ah,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray).

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dooday inaanay saxeexi Karin Muddo kordhinta halka sanno iyo badhka ah ee Asxaabtu isku raacday maadaama aanay Guurtida ka haysan damaanad ah inay kordhinayaan hal sanno iyo badh, sidaas darteedna Waddani ahaan ay ku adkaysanayaan go’aankii Komishanka ee ahaa in 1-da June 2016-ka la qabto doorashada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...