Somaliland: Xeer Saxaafadda Lagaga Joojinayo Wararka Qabyaaladaysan Oo La Hirgalinayo

Date:

Guddida Aqalka Wakiilada Somaliland u qaabilsan Ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa oo Sabtidii kulan la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay inay isla waafaqeen sidii loo hirgalin lahaa xeer qabyaaladda hoos loogu dhigo, gaar ahaana in Saxaafaddu baahiso wararka ku salaysan beelaha.

Gudoomiyaha Guddida dabagalka Musuqmaasuqa oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in xeerkaasi la samayn doono “Waxa xusid mudan in aannu isla qaadanay Wasaaradda Warfaafinta in maanta warbaahinteena ku badan tahay annagoo reer hebal ah ama waxayaabaha qabyaaladda ah, annaga ka gudi ahaan iyo wasaaraddu waxa aannu isla qaadanay sidii aannu u soo saari lahayn xeer xakamaynaya arrintaa in aan qabyaaladda lagaga dhaqmin saxaafadda in aannu si wadajira u soo wada saari lahayn,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa qiray ballamo badan oo uu guddida kagaga baxay, isagoo cudur daar ka dhigay inuu hawlo qaran ku maqnaa “Waxa jiray kulamo hore oo naga baaqday annaga iyo guddida oo aannu is ogayn, mar waxa ay ahayd maalintii Madaxweyne-ku-xigeenku dalka ku soo laabanayey, maalina howlaha qaranka uun baanu wadnay, manay jirin sabab kale, maantana wasaaradda oo isku dhan ayaa u timi Guddida,” ayuu yidhi Mr Cukuse.

Kulanka Guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa iyo Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa imanaya xilli khilaaf ka taagan yahay Wasaaradda. Waxaa sidoo kale sanaddadii u dambeeyay Bulshada Somaliland ku batay dadka arrimaha dalka iyo kuwooda gaarka ah uga hadla hanaanka beelaysan ee saxaafadda adeegsada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...